Daahyaley

Daalacan warkeedii, iyo faraskii Doolaal 
dalan-doolka maansada, dar-dartiyo wacdarihii 
sida danab u laba dhacay, dadku maqalyey shaalle. 

Dedda kaca rogaalkiyo, daahyaley carcaraheed 
maantana dinaahyaha, dayax weerar baa sida 

Gaarriyow ku soo durug, malmalkiyo dab-qaadkii 
iyo weliba deebaaq, dabray oo haddana furay 
misna daah kalaan rogey 

Deelley wankeed qalan, daaheedu waa furan 
hibashada dareen kacay, degmadeenna beer-qaad 
sida daadka maanshee, Hal-abuurku duunkiyo 
dhul damqaday ka faalloo, ninba garashadiis direy 
darka cagaha soo geli, sii durugtay sheekadu 
dumarkiina soo biir 

Rag darmaano soo fuul, ragna dalawadiisii 
iyo doobigii keen, ragna dayrcadkiisoo 
baarqab doobyayaa wado, bandhiggii ku soo daa 

Nin dameero soo horay, yaan la odhan denbuu galay 
billay duunyadiis tahay, waxse iga dardaarana 
ninka daaqsanaayow, dafaclaha gosheediyo 
dixda hayska joogtee, yey nagu dannaaniyin 
ama geela naga didin

Nirgo daaddah baradaa, derrimaha mareerka leh
sida digirin jiifee, yaanay naga danbaabirin

Doqon yahay masayrkiyo, danni lagu abuuree 
deeqdii Illaahay, deelqaaf ka mudataay 
adigiyo dangaladaa, Da' kastaydin qooqdaan 
waxa aydin dihataan, daratiyo ma Caal baa? 

Maansada dunteediyo, waxa lagu dir soocdaa 
degelkiyo dhirteedee, heellada ma danadiyo 
dibowgaa ka gurataan? 

Murtidiinnu dakhariyo, dalab iyo lalleemiyo 
daldaloolo badanaa? 

Ma dareere miirtiyo, Duddun bahal galeenaa? 

Dardartii aftahankiyo, dilladii farshaxankiyo 
dux abwaan ma sidatoo, diiftii saboolkiyo 
daal baa ka muuqdee, gabaygaba ma docashiyo 
dawersaad ku keentaan? 

Mise dagan ma dhaaftiyo, duul baad ka gadataan 
dhul dellegan ka soo xada?

Mise luuq dahsoon iyo, suuqa doqon ma garatiyo 
ku-dhacdaad ka dayataan? 

Marka geel dar loo horo, Diin maxawgu heestaan? 

Haddii reerku lama dega, meel daaq ka dheeryahay 
Degel oomman furan yahay, dadka guriga joogiyo 
waxay duunyo haystaan, diihaalka wada qabo

daruurana ka hooraan, meel durugsan goortaas 
maxaad daanka oo qudha, ula doogsin carartaan? 

Gudin-yahay dulbaaxdiyo, dufan lagu afeeyee 
dareenkeedu laaciyo, milicsiga ku deexdee 
danbarsiga cadceeddiyo, dabayoodka luunka leh 
weligeed ku darartaa

maxaad doodad beeshiyo, danta qaranku leeyahay
dusduskaaga foofkiyo, damac uga hor marisaa? 

Noloshaba ma dirashiyo, damqashada calooshiyo 
dalqadaad ka barateen? 

Midha-Daray raggiinnaa, duuduub ku liqayow 
kolley geedka duuggiyo, taariikh la daastiyo 
laga diirto magac hara

sida diirta xagatoo, dadnimada arradisee
dib maxaad u dhigateen, duniduba ma maantaa? 
Dab cunaannu idin nidhi.

Maansadu dan guud iyo, dalka hanashadiisiyo 
dadka wada-jirkiisiyo, dawna way ku socotaa 
dawladnimaw samafala

in kastoo dirkeediyo, dulucdeedu saas tahay
misna loo dardaar weri, ka hor yimi nin diiddani
Deri iyo u yeel tuur, dunjigeeda maydhaan
xistigeedu daba gure 

Dabinnada shirqoolkaa, inta boholo loo dedey 
kaga gudubtey daanshood, digashadu ma saamayn 
dhibta waw dul leedahay, dibin daabyo hoosiyo 
dabra-weerar caabbiya, duullaanna waw haray .

Dibso aan nidhaahnoo, ha dekaanto mooyee 
dabarkeeda geenyada, geedkee ka diirraa 
qorshahaba laguma darin. 

Doc wareenka sheelkaa, iyo saymo dawdilan 
kuma dagato maansadu, xinka way ku darartaa 
kulka way u dirantaa, dabka way ku carataa 
haddii jeedal lagu dayo, deeddankay ku badisaa 

Dakharrada la yeeliyo, hubka lagula daalee 
ha ku ddbecdo lagu wado, dardar bay ka qaadaa 

Haddii dayro laga dhigo, derejaabay tolataa 
Calan bay deldelataa

daddii sayga laga dilo, doqon geesigeedii
ninka daray billaawaha, i-dumaal tiraahdoo
dakanada illowdoo, dhanka kale u durugtoo
diga-rogata maahee, timahaabay dabataa 

Dunta waxay ku xidhataa, wiil dardaarankeed qaba 
magaciis Dulmane yahay, Duqa dhalay sabool yahay 
Danyar hooyadiis tahay, inta xeerka dumisyo 
Deni waa ka garanuug 

Dacwaddayda Ciinow, dire-dire umaan tirin
Deel-qaaf ka xeel dheer, uma jeeddo daw-dhaaf 
daandaansi kama wado, ka Da'weyni ruuxaas 
derejiyo xil-qaadkeed, nin u dudaya maan ihi 
damac wayga xaaraan, dilla-gabay ku faankiyo 
Doqonniimo hadalkiyo, i dayaay wax kuma falo 
maba lihi dareenkaas 

Waxa qalinka igu diray, dadku way tirsanayaa 
deynna waa ka maqan yahay, dana jirena waan ahay 
danyartiyo saboolkiyo, anigiyo doc-warantuna 
isku digato maahine, daawaannu leennahay 
diilalyada cuslaysiyo, daalaa-dhacoodaan 
aniguna damqanayaa, xaq haddaan ku daakiro 
ma deyrkii Maakaan gubay? 

Danbarkiyo karuurkiyo, caanaha durduurtaa 
dadku haw sinnaadeen, haddii laygu dilo taas 
taariikhdu duuggeed, Dirirrada sidkood go'ay 
Door-roone haw hadho, dibna mooyi saw noqon 

Dal Allee Dharkaynow, haddaad maanta dagantahay 
ninka duunyo kaa wada, afka kama daboosheen 
maxaad deelka maansada, dacar iyo dhunkaal iyo
Duumo uga arkaysaa? 

Maxaad uga didaysaa, uga dhigi wax kuu daran
armay doorba kuu tahay. 

Haddaan waawey Roob da'ay, dayra-dhaafka jiilaal 
guri laga dugaashado, aqal laba deryaalaa 
Dadabtiisu nooshahay, celin kara darooraha 
docihiyo raartiyo, dhan kastaba ka dalab tiran 

Ummadduna dugsoonkaas, dermo qaran ku jiifaan 
bulshadoo dar hoogiyo, taalla dooxa geerida 
hadduu daad u soo galo, miyaan waayey deelkiyo 
dareensiinta dhiillada ?

Duunyo waa la foofshaa, daaqna waa la geeyaa 
Doorna waa ilaashaa, isha daymadeediyo 
digta luuqdu woow wehel 

Duhurkaa la ururshaa, tiro lagu dabbaalaa 
dabadeed la hooyaa, kol hadday dareeraan 
deegaanta raacaan, dildilaan ku goosmaan 
wax daryeela waayaan, daaha hiimammowgaa 
maqal daaqda lagu tebo, cawa-daran la raad guro 
dibjirtaye ma been baa? 

Shilna wayna daan-weyn, demmanaanta kama foga 
xoolaha dayacantaa, inuu daayo mooyee 
kama durugsanaan karo, doon-doonisteediyo 
day-dayashadeeduna, darayada libaaxiyo 
ninka damalka ka hadhsaday, deleb waw gudboon tahay. 

Haddaan waayey doobkii, xilka doonnantiisaa
dayrada u noqon laa, danyar habaqlaheedii 
duddo bahalku kala tago, miyaan waayey deelkiyo 
daba socodka qaylada ?

Hayin sida dadweynaha, dalaggiyo dhaqaalaha 
duuggiyo wixii nool, haddii layska dabo galo 
hadduu aar dalaafiyo, arko belo ku soo diran 
nafta dawdab roorkaa, daran doorri orodkiyo 
durdurrada ka buuxsado, maatada derderan iyo 
Deli iyo jar kala dhaco, dooggaan la maarayn 
dibna looga soo kaban, didmadiisu keentee 
haddaan waayey dabarkii, dhacdo lagu daweeyoo 
lagu dagagaraa jirin, miyaan waayey doohdiyo 
doobirtii la oran jirey? 

Danta guud mudnaanteed, gobonnimo daryeelkeed 
damaciyo hankaygii, haddaan waayey dawgaan 
is lahaa ha lagu dego, berri degel ma dhaafaan 
dadka wada jirkiisiyo, isku duubnidiisii 
lagu doorshey reer-reer, kala daadsan laga dhigay 
Mus duleedku xanan yahay, qarannimadu dagan tahay 
gudahana Dab kaga kacay, dawankiyo carooggiyo 
miyaan waayey Daalacan, sengehayga Doolaal 
ama faras dirkiisaa, Dayax-weerar oo kale? 

Ragga daawadii furay, ama daacaddii jaray 
ama qaranka duudsiyey, Hantidii dadweynaha 
Dacallada ka buuxsadey, dalku eed ku leeyahay 
Rag la deydeyaayoo, dedan oo qarsoonoo 
damacooda xeel iyo, ku darsaday tab hoosoo 
wixii deyn ku soo baxa, berri diidi karayoo 
dufankiyo karriinkii, iska duugey maahee 
dida buurta Daalood, Dal fog bay ka muuqdaan. 

Diricaasi waa kuma? 
Dawdar weeye shalay jirey, durba sawkan jeedladay 
dhistay aqallo daah weyn, tolow duubka yaw xidhay 
hadmuu tobanka doonyood, dekedaha ku soo xiray 
hadmuu dunida gaarkeed, intuu daawashaw tegey 
Demesh iy wixii yiil, sida daad u soo rogey? 

Kaftankaas dareenka leh, danyartaa ku heestee 
dadka maanigaa baray, derejada hummaaggaa
magacyada dul-saarkaa, darraad soo gadaal baxay 
maxaa laygu digayaa? 

Doodda aan ku soo xidho, bi'i waaye deylooy 
adna darayga hays dhigin, xaajadu dalluun iyo 
dalow bay ka lulataa, ha ka tuurin daaddeys 
anna hay dardaar werin 

Deelleyna aan faro, duco iyo sidii roon 
dawgaagu waa sahan, dadku waa abbaartaa 
isku-dira bahdeediyo, kala-dila ha noqonnine 
isku dara ha lagu dhaho 

Nin xumaa daneeyoo, waxa jira damqanayee 
yaanu xagal ka daac iyo, goldaloolo kaa helin 
xidho duubka nabadeed, daacaddiyo runtaba sheeg 
daaraanta magacaw 

Cadowgaagu duurkiyo, hadduu doogga cawskiyo 
dareemada ka badan yahay, adiguna dab baad tahay 

Digo shidan hadduu yahay, adna daad socdaad tahay 
damal adag hadduu yahay, ddna danab dhacaad tahay 
Baaruudda duushiyo, Dubbe culus hadduu yahay 
Derbi soo ceshaad tahay 

Mugdi lagu dayoobiyo, gudcur dama hadduu yahay 
qorrax duluca furatiyo, dayax buuxsamaad tahay 

Hadduu aw dillaaliyo, qalin duurre faalshiyo 
yahay fiqi dammiinana, cilmi durugsan baad tahay 

Dulin dhiigga miirtiyo, dulmi hilan hadduu yahay 
xaq dillaacay baad tahay 

Nin qabiil daftiisiyo, sita daramalkiisoo 
ku dan qaba hadduu yahay, qaran dawladaad tahay 
haddey daana daaniyo, Dawliil ku heesaan 
waxyi soo degaad tahay 

Inta dunidu raarkiyo, deyrka hoose leedahay
qof dulmani ku nool yahay, ilays daaran baad tahay
wed jiraana kuma dilo 

Anigana bir danantiyo, dabran iyo melmelan iyo 
deldelaad ha lay suro , duuggaygu waa adi.
----------------------------------------------
doolaal, dalandool, shaalle, dedda kaca, carcaraheed, dinaahyaha
deebaaq, maansho, duun, dalawadiisii, dayrcad, dafaclaha gosheediyo,
dannaaniyin, derrimmo, danbaabirin, dangalo, caal, danadiyo dibbow,
dilladii, dellegan, dulbaax, laaciyo milicsiga ku deexdee,
dabayoodka luunka leh, dir& duluc, dardaarweri, dunji, daanshood,
dibso, sheel, dawdilan, Dardaar, dabra-weerar, deeddan, Deni,
daw-dhaaf, daalaadhac, dayradhaaf, aqal laba deryaalaa, darayada,
deleb waw gudboon tahay , duddo, dalaaf, dawdab, deli, dagagar,
doobir, demesh, dalluun, dalow, anna hay dardaar werin, dadku waa
abbaartaa, gol daloollo, daaraanta, daramal, daanadaane, dawliil,
dabran & melmelan,