Ceel walwaaleed
Wahe dhalashadaadaan, farxad waalan gaadhoo
weedhkiyo dabaylaha, ama weriyahaagii
goortaan waraystaa, werwer ii dhammaadoo
wahab layga qaadoo
lugtu weerar mooyee, wahsigii illowdoo
wadar iga lib haysaan, wiil curad sidiisaan ---
wanan kuu bireeyoo, waayeel duceeyaan
wacay oo u yeedhee, walqashaadii maadaa
cunay waaxyaheedii?
Weger iyo ka waaweyn, tani waa ka waasacan
hadday ceel-walwaaleed, ku go'aan wadaamuhu
waan-waani dhacantee, wadnaan farta ku hayaa. ----
Inkastaanu weydeyn, waranlaha ilaashaa
waadaasha xooluhu, iyadaa waraabaha
wehelkeeda mooddoo, woohowda diiddee,
waddo halaq nin moog baa, waabay ka leefee,
wed hadday ka nooshahay, waageed ha gaadhoo
waxaraha ad raacdaan, wakhti kuugu simayee ----
goormaad wadaadkiyo, weliyada sidoodii
ii waaninaysaa, wacdi ii furaysaa
werdi ii rogeysaa
Weger iyo ka waaweyn, tani waa ka waasacan
hadday ceel-walwaaleed, ku go'aan wadaamuhu
waan-waani dhacantee, wadnahaan farta ku hayaa. ----
Isla-weyn qabkeedaa, wiyil aan jaraysnayn
ugu wara maqaarkoo, lugta webi u geliyee,
haddaan weel gun laga tolin, waayaha adduunyada
xog-ogaal la weydiin, ruuxii Gu' kaa weyn
lagu odhan wax ii sheeg,
taladaadu wiilooy, dalab waayi maysoo
qofna waari maayee, mudanaha walaalkaa
haddii weerar lagu dilo, isha lalama waabtee
weerkiyo baroortaa, dadka lala wadaagaa.
Weger iyo ka waaweyn, tani waa ka waasacan
hadday ceel-walwaaleed, ku go'aan wadaamuhu
waan-waani dhacantee, wadnahaan farta ku hayaa. ---
|