Cajabey


Cajebey cajiibeey, Cawo iyo ayaaneey,
Caqligaad xadaysaa, Caku barashadaadii,
iyo caabuqaagee, Sida faras cag fududoo,
Cadda-horor yaqaannoo, Gulufkiyo colaadaha,
Ninka lihi cad-goostaa, Raggu kuu cugtamayaa,
Anna caashaqaagaan, Hadba weel u culayaa,
Cimri-dherer harkaagaan, Riyo kula caweeyaa.

Dhulka oo cagaaroo, Cosobkii dul-saarraa,
isagoon car-jabin weli, Cabbanaan daraaddeed,
Ciidda hoose raantiyo, kula ciiray fooddoon,
	
Cagta meel la saaroo, la cuskado lahaynoo,
Calcalyada xareeddii, halka godan cuslaysiyo,
Fiid-cawl horraantii, Cirka oo daruuruhu,
Midab wada cillaaniyo, ku dhigeen canjiidaha,
Xilli ay cadceeddii, Dhar cashmiira xiran tahay,
Sagal caasha saaraad, la wadaagtey caanoo,
Haddaan caawo kale jirin, Cidi kaama garateen,   

Geed cal iyo buur dheer, Carro-hodan ku yaalloo,
Cokanoo irmaanoo, Dhirta kale ka caynoo,
Cimillada agtiisiyo, Rugtu qurux ku caan tahay,

Dusha sare caleentii, Laamaha is-celisoo,
Hoobaan casuus lihi, Cartamayso dhinacyada,
Ubaxuna tin iyo cirib, kaga dhigay cabbaaryada,
Shimbiraha ka ciyayaa, intay heeso curiyeen,
isku camal wareereen, Dabadeeto carashada,
markii laysku cayn go'ay, isu ciidan doonteen.

Hal cabbaara goortay, isu calan walleeyeen,
Caro kala maqnaayeen, Cadcaadiigsi geedkii, -------
Ciddiyaha ku qariyeen, Codka luuqda heestiyo,
Carrabkoodu kala tegay, Carcaraha is daba maray,
Cudur jirey ku baaba'ay, 

Dhallin caana diiddoo, Guryihii ka caagtiyo,
Cadraddiyo barbaartii, sida goob ciyaareed,
ugu soo carraabeen, Calaf waa halkiisee,
Hadallada cawayskaas, ku calmaday u badan tahay,

Carshigaa nasahan baad, Biyo wada cabteenoo,
Haddaan lay cadaabayn, Rabbi ii caroonayn,
Dadku inu ku caashaqo, madowgiyo caddaankuba,
ku caleemo saaraan, sow kuma canaanteen .