Bulsho (1981), By: Hadraawi
Talooy go'an baydahDaa, Xujooy taran bedenbedkaa ------
Hawooy balaggaa furfuran, Sengow dhimay badalligaa
Biddoow camalkaa ku sheeg, Badeey adigana muggaa
Hirkaagiyo baaxaddii, Buraashad miyaan ku dhuray
Ballaarkiyo mowjaddii, Bilaale miyaan dardaray
Shantaa hore bidix lis ee
Caroog kulul baa balwadey, Babtiisii baa la naxay
Dad baa isu soo bulladay, Dhankee babbisadu jirtaa
Baquhu yuu saaran yahay, Ninkee boholaha Xergaga
Balbalo u daboolan tahay
Bulshaale wad buu sidaa, Bahdoon buu maaggan yahay
Ul boocuu ugu tukubay, Berdaa lagu kala negaa
Dhexdoodii buu ka baxay, Dhammaa beydbeydsigii
Ban weyn baa layska helay, Fallaaruhu gun iyo baar
Bartii shiishkay hayaan, Biciidkuna wuu arkaa
Xaggeese la beegsadaa, Badbaado miyay dhacdaa
Belaaydu yaab lahaa, wax bay buun buunisaa
nin jeedey bararisaa, Shantaana ballaysinkii dheh
Bulshoy adigaa milga leh, Ninkii boojimo ku yidhi
Shalaad barataannu nidhi, Bayluulida haw furfurin
Bariidana kaama geyo
Ninkii ballankaaga qaaday, Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada, Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba'aaga, Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo, Huwaday bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay, U booday cirkaa dusheenna
Bilkeeday laboontidiisa, Buurtuu koray waarin mayso
Heddiisana baajin mayso, Kub iyo bawduu ka jabi
Shantaana umal fool bashiishtay, Berdaanka xusuusta ii dheh
Bulshooy adigay boqraday, Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey, wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura, Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho, Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa
Bulshooy adigay boqrday, Adaa bili igu shakalay
Baruudka adaygu xidhay, Haddaan ahay wiil bir kulul
Burjiga adigaa iska leh, Badheedhka adaa i faray
Dagaalka adaa i baday, Belaayo haddaanay dhicin
Dantaada haddaan la bi'in, Haddaan baradaadu guban
Miyaynu is baran lahayn
Haddaan wanka badhida weyn, Baraarkana loo qalqalin
Ninkii cunay booligaaga, Haddaan buro loogu darin
Saboolka haddan la badin, Haddaan boqol ruux la korin
Dhulkii beeraha lahaa, Haddaan basanbaas ka dhicin
Bal iyo xaab laga idlayn, Dadkii qabay berisamaadka
Haddaan badhax loo shubshubin, Barwaaqadu tuugsi noqon
Haddaan badar loo kaltamay, Biyaha sixin looga dhigin
Basaasta ninkii huwaday, Badhaadhnay haddaanu oran
Naftiisana been ku furan, Miyaynu is baran lahayn
Haddaan waa kuu beryaa, Bayuur iyo ummal ku tarin
Haddaan berritiyo sed maqan, Bushaara lagaaga dhigin
Baxnaanadu kugu adkaan, Haddaan sida Baar-caddaa
Baloolliyo badowyaley, Naftaadu ku ciil belbelin
Qabiilka haddaan la bilin, Haddaan boodhka laga tuntumin
Haddaan is bahaysigeenna, is biirsiga wada-jirkaaga
Budh iyo xoog lagu furfurin, Bartaada haddaan la dhicin
Bukaanka haddaan la nicin, Haddaan bogso lagu daweyn
Miyaynu is baran lahayn
Barbaarta haddaan la layn, Billaawuhu dhiig matagin
Ninkii ku bud dhigi lahaa, Haddaan baqayuhu ka lalin
Halyeyga badbaadadaada, Haddaan bahaluhu ku shirin
Haddaan bir ma geydadaada, rasaas loo berentensiin
Waraabuhu baan ka dhigan, Baroorta qofkii lahaa
Haddaanu u rogan bil-khayr, Belaayo xijaab ka dhigan
Wixii hadhay baylahdaada, Haddaan buntukh loogu talin
xanuun lagu baraq nuglayn, Nin bayr lihi salow ku gelin
Miyaynu is baran lahayn
Basaas iyo oon dartii, Haddaan dhulku baali noqon
Haddaan sida bagagidii, Banaadir indhuu ka nixin
Bariiso haddaan la qixin, Boqoolku is daba taxnaan
Bugaan bugtu gelin Xijaas, Badroolka haddaan la yu'an
Hablihii boqorkiyo dhacalaha, Baftada lagu wada yiqiin
Haddaan baxsadkooda dheer, Baxreyn laga soo qab qaban
Haddaan boqorrada Carbeed, Amiirada baalka xidhan
Kun jeer baryo loogu tegin, Miyaynu is baran lahayn
Haddaan bari ina qalayn, Haddaan bogox ina fantayn
Beelahaa ageheenna yaal, Haddaynaan buro ku noqon
Tukii baallaha caddaa, Adduunyadu baadideenna
Bannaanada kaga xeroon, Boogteenniyo dhaawaceenna
Haddaan baga laynna odhan
|