Beledweyn
Bi'i waa jacaylow, Boodhari inuu diley
Been baan u haystee
Bi'i waa jacaylow, Boog aan la dhayinoo
Cidi baanan karino, Beerkiyo wadnaa iyo
Bogga kaaga taalliyo, Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee
Webigoo butaacoo, Beeraha waraabshoo
Dhulka baadku jiifoo, Dhirta ubaxu buuxshoo
Canabkii bislaadoo, Badarkiyo galleydii
Laga tuuray baalkoo, Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo, Beeluhu gu' joogaan
Sow beri-samaadkii, Beled Weyne maan tegin
Dhanka bari magaalada, Sow boqorad joogtoo
Biyo dahab la moodoo, Cilicdii haweenkiyo
Bili loo dhameeyoo, Timo boqonta joogoo
Baal gorey la moodoo, Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo, Bul-cad lagu xiddeeyoo
Badh ku xeexanaysoo, Barkanaysa qaaroo
Huwanaysa baaloo, Igu beertay lahashoon
U buseelay maan baran
Sow goor barqa ahoo, Bishu ay siddeed tahay
Aniga iyo Beer luli, Isku maannu soo bixin
Sow bariidadaydii, Iyo bedashadeedii
Buundada ciyaartee, Beled Weyn ku taallee
Biyo lulata guudkood, Badhtankeeda maahayn
Sow bixiso weeyee, Ballan maanu dhiganoo
Beeri joog imay odhan
Sow bayd go'aygii, Layguma bushaareyn
"maantaa la baxayaa, bulshadii imay odhan"
Sow waa bastey oo, Socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo, I baxnaansha maan odhan
Sow taliye baasoo, Ba'anoo war-moogii
Taydii ma beenayn
Sow badiba kooxdii, Goortay badheedhee
Baabuurki fuulleen, Anna baal kamaan korin
Boholyow daraaddii, Sow baraq nuglaantii
Belo lagu ducaystiyo, Baryo kumaan maqnaynoo
"Biri may xumaatoo, batroolka daadshoo
ka wadaa bukoodoo, bogsan waayo" maan odhan
Sow beriga waagiyo, Barqo kulul dhexdoodii
Geed baaxad weynoo, Dherer iyo ballaadh-loo
La yidhaahdo Baaroo, Bilig dheer hirkiisii
Ma bidhaan sanaynoo, Bulxankiisa yeedhiyo
Ma maqlaynin baaqii
Sow baaxad soorii, Iyo laba boglayntii
Maan noqon bestey oo, Bacadkii ma dheelliman
Sow galab-baqoolkii, Annagoo barwaaqiyo
Meel baadle joognoo, Tumanayna Beerrey
Sow maan baraarugin
Riyo beena weeyee, Sow baalla daymii
Baabuur lalaahyood, Haad baalle mooddoo
Fananaaya buur dheer, Isma odhan ka boodoo
Nafta sow ma biimayn
Nin Banaadir joogoo, Beled-Weyn la haystoo
Waxaan ahay la baabee, Sow baadi doonkii
Weli baafi maan ihi
Beled-Weyn Allahayow, Ka dhig xiro badhaadheed
Beerlula Allahayow, Belaayada hareer mari
Beled-Weyn Allahayow, Ka dhig guri barwaaqeed
Beerlula Allahayow, Beryo samo ku noolee
Beled-Weyn Allahayow, Ka dhig beerta raaxada
Beerlula Allahayow, Ka barii wax yeellada
|