Barabaalle
Iyadoon bar tiro jirin, wax la yiri Lixlaha biig
Haddii Baashe lagu dilo, Marka qaybta laga baxo
Boolaynta laga dhigo, Shaxda booli tuugiyo
Sharci boob ah lagu wado, Afar turub nin barashada
ka bogtaa ku gacan gala, Baandheeyaa weligii
wax ku beela qaabkaas, waxa adag kan bowsadey
isagaana badin kara, Shaashowdey bilicdii
Ban martoo la garan waa, Barxantoo la maydhaan
Waxa lagu balllaysimay, indho buuryo-goyseed.
Buurrantu muuniyo, Barkhad kaydsan maahee
Barar taws ah weeyaan, Bugtadiyo xanuunkuna
Haddaan baaray waa Ciil, Bahalow shabeelow
Hooy bara baraalow, waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay, Beri waxan ogsoonaa
adigoon ka soo bixin, Casha Boholaheedoo
Dhirta baaxad-weyntaa, Baarkeeda seexdee
maqlay inad bannaann iyo, Timid baraha hawdkoo
Bulbullow libaaxii, Boqortooyadiisii
Duhur ugu bareertoo, Burjigii ka furatoo
Bili qaadi weydee, Beelahan agtaadaan
kaa soo bariidshoo, Budulkay la soo galay
Barkintaad ku jiiftee, waxba baadi xoolaad
Beryahaas ma kulanteen?
Bahalow Shabeellow, Hoy bara baraalow
waaryaa nin buureed, Bulsho waxay ku leedahay
Beri waxan ogsoonaa, Adigoo baruurtiyo
Cunin bulad ammaankoo, Riyahaaga baadhee
Bishan iyo bisheedii, Boqol iyo lag baa maqan
Wanankii Bah Ceeblee, Bari iyo Leg goormaa
Boholyowgu kuu galay?, Balse waxa la yaab dhalay
Nin barwaaqo haystoo, ka engegan baraaree
Bishmahaagu Caarrow, Maxay kuu basaaseen
ma buskaad is-marisaa?
Bahalow Shabeellow, Hoy bara baraalow
waaryaa nin buureed, Bulsho waxay ku leedahay
Dadka baylahdiisiyo, Baloolleyda tebiskaa
Koromada berdaha le'eg, iyo dibida beyga leh
Barbarriiji weligaa, Tarab tarab u boqol goo
isku biirso laqanyada, isku baano yeelkaa
Balse waxa la yaab dhalay, Barta aad ku qalatiyo
Baradaaada caydhaa, Raqi kama cidhaantee
Ma laftaad burbursaa.
Bahalow Shabeellow, Hoy bara baraalow
waaryaa nin buureed, Bulsho waxay ku leedahay
Badda iyo nafleydii, Balliyada ku noolayd
Bogan waaye jiifkoo, Wadnahaa babbanayoo
Beerkaa legdamayee, Xaggay bayr ka yeesheen
Biyahana ma joogtaa?
Bahalow Shabeellow, Hoy bara baraalow
waaryaa nin buureed, Bulsho waxay ku leedahay
maxaa haadda buubtiyo, Baqayaha daruuraha
Balwadiis u noqoteen, wax la baratamaa jirin
ama booddo lagu qaban, Baqdintaada awgeed
Bogga uga qarqarayaan, Miyaad baalal leedahay?
Bahalow Shabeellow, Hoy bara baraalow
waaryaa nin buureed, Bulsho waxay ku leedahay
Bari iyo Galbeedow, Haddaad baahdey aashaa
Qalwo bogox ku leedahay, Bidixdana ku furan tahay
Midigntana barkaa yaal, Nin boqool ku tala galay
Dhankee kaaga bayraa?, Dhinaceed u badan tahay?
Barbarkee ka maqan tahay?, Bismillaahi yaahuu-
Degelyohow barkuma-taal, Bulsho waxay ku leedahay
Bisiq iyo xangey iyo, Banji iyo dharkayn iyo
Bilcilkaaga hawliyo, Dhirta boocda mooyee
Tolow baad la daaqiyo, Miyaan cawsna kaa bixin?
Degelyoho barkuma-taal, Bulsho waxay ku leedahay
Beertaadu hoog iyo, Bacad iyo Habaas iyo
Bacow iyo qaniin iyo, Badso iyo shirqool iyo
Burso iyo khiyaaniyo, Beeraadka samihiyo
u buseelka godobtiyio, Boqon goynta nabaddiyo
Booraanta jarankiyo, Boholaha asaydiyo
Cabsi iyo ma been baa?, Biyaheedu dhiig iyo
Xinjir bururinteediyo, ma baroorta dumarkaa?
Balka iyo sabuulkuna, Ma banbaane ololiyo
Waran iyo billaawiyo, Baaruudda huguntiyo
Birta lagu idlaadaa?
Baaq baaqu Daab iyo, Bishil iyo ma soofaa?
waxa lagu bislaystiyo, Badarkeedu dhimashiyo
Baga iyo ku digashiyo, ma Busaarad dhegalaa?
Bahalow Shabeellow, Hoy bara baraalow
waaryaa nin buureed, Bulsho waxay ku leedahay
Beryahaagan ka horow, Bahda habar-dugaag yahay
marka ay biciidkiyo, Koran buuran loogtaan
inta boorku qariyaa, waxba yay barkoodiyo
Helin bawdo hilib lee, kolay biixi ruugaan
Marka biiri qaatiyo, Qawluhu is boobaan
mid afkii ka buux samay, wax ka bililiqaystaan
badanaa ma qadi jirin, raqda baallaheediyo
badka kama maqnaan jirin, saw tan Buulalleydii
ku bakhtiday ag-taadii.
Burrusow Dameerow, Biyo ceel ma keenow
hadba dhaan ku biirow, Beelaha aroorkaa
iska daba boqoolow, Bulsho waxay ku leedahay
Geela baadi soocdiyo, Sumaddiyo birqaabka leh
Boodaanta wada xiran, meeyey baarqabkiisii
Baqal looma tu'iyee, yaa baacso kugu yiri?
|