B A D B A A D O *****
Balliyada salkoodii, iyo baaca webiyada
marka boorku sare kaco, Rahu Boholo dheer galo
biyo lagu haloosiyo, dhulka oo Basaasoo
inta Budul ku jiifsaday, Buska tarantarkiisii
Isha lagala soo baqay, Allihii Galshiyo Baad
ku ballaarin jirayoow.
Xaqa lagu bukoodiyo, xaqa lagu bogsoodiyo
inta laga bareeriyo, inta lagu bareeree
Xumo loogu babac-dhigo, Nafta bedenbedkeediyo
Bog intii xasilisiyo, inta Baal ku ledi karo
Burjigiyo Hubaalaha, Berri lagu halleeyee
lagu sugo ma barideen
Bedad-guurka waayaha, inta lagu baxnaanshee
Hiyi looga dhigo Baan, inta lagu bariistiyo
inta lagu baraarugo, inta Baaca noloshiyo
runta lagu bilkeedee, xaqa lagu bidhaansado.
Inta Baaxad dedan iyo, inta taal bannaankee
nin is biday ka xoog weyn, inta loo bal reebee
nin ka baqay ku nabad galo.
Inta aan la burin karin, inta aan la baran karin
Biligiyo awooddaa, xejinaaya buuraha
iyo Badaha waaweyn, Barakada Qur'aankiyo
Bisha lagu xurmeeyiyo, Boqortooyadaadiyo
Boqolkaaga magac iyo, Bismillaahi keligaa.
Bulsho waxay cadhowdaa, ama Baali noqotaa,
marka ay Buseelkiyo, Bud dhiggeeda sharafkiyo
inta aan la biimayn, ka gumowdo Bilicdiyo
in bisaylka lagu cuno.
Kol hadday Baxdoobaan, dadku baydda goostaan
Bido lahashadeediyo, Bohorada wax lagu rido
lagu bulo samaantii, isu boodda-dhigashada
Sharka loogu beretamo, Naftu baylah weeyee
Biri waxay af leedahay, marka baajinteedii
belo lagu halleeyee, inta ba'an la qaayibo.
Marka bidixda oo qura, lagu qoro Run iyo Been
taladaa han bururtoo, Laba baahiyoodbaa
isku beegmi waayee, nin bursaday hadduu jiro
nin wax beelay baa nool, nin badsaday hadduu jiro
ka la boobay baa qaday.
Allahayow Bardaankiyo, kala-barashadii guud
barbar qudha in laga raro, aragtida bannaysaa
Bunduqana samaysoo, Bani-aadminnimadii
nin ka baadiyoobaa, bari furay wanaagoo,
dadku beerihiisay, ka gurtaan Bawaarkee.
Shilkan baahay aashii, Halisahan gun iyo baar
Bari iyo Galbeed yaal, jidka lagu boqooliyo
bilqashada dareenkiyo, Bara-kaca Aqoontii
dabinnada is biirsaday, nin baraystay falashada
iyo buunka sixirrada, iyo badalli-oogsiga
bixisada la aaminay, Buhashaa ka salagloo
beryo hore sidoodii, ama Beelihii Caad
marka Doobi buuxsamo, Burburkaa yimaaddee
boqorkaan rugtiisiyo, baradiisu maranow
kaan baahan jirinow, kii baahan jireybaa
kuu baahan Adigee, Baryo waxay ku leedahay
boholyowga garashada, iyo baaqa hirashada
Allahayow badbaadada, iyo bayrka xilashada
ha ku xirin Bush iyo Joon, iyo Booris Yaalsiin
iyo bacawda xoorka ah, iyo gaal wax badowsada.
Boholyowga garashada, iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada, iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin billaawaha, nimaan Adiga kaa biqin.
Boholyowga garashada, iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada, iyo baydhka xilashada,
ha ku xirin nin beer adag, iyo bahalo aan nixin
bishmo lala haliiliyo, carrab dhuux baraar jecel
iyo buulka qalatada, iyo haanta Bow-dheer.
Boholyowga garashada, iyo baaqa hirashada
Allhayoow badbaadada, iyo baydhka xilashada,
ha ku xirin intii baas, bakhti-yahan xalaal neceb
iyo booli-quutaha, damac lagu balleysimey.
Boholyowga garashada, iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada, iyo baydhka xilashada,
ha ku xirin bakhayllada, nin bushaaro uga dhow
balawaaska quustiyo, babbisada adduunyada.
Boholyowga garashada, iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada, iyo bayrka xilashada,
ha ku xirin Bayuuraha, bullashada wirteediyo
Baga iyo Bagaaleey, iyo lihi bar-kuma-taal.
Allahayoow badbaadada, ha ku xirin Bah iyo Reer
biya-dhiijin Qolo qolo, isu baanka digashada
iyo sheeko-baraleey.
Allahayoow baraaraha, Allahayoow Barwaaqada
ha ka dhigin baroor dumar, iyo barada meyd yaal
|