B A A Q

Abwaanku wuxuu noogu baaqayaa in aan jeclaanno wixii Alle na siiyey ee dhulkeenna iyo dadkeennaba ah:
 
Adigoon cirka u bixin,  ama boodin leexada
ama badaha waaweyn,  nafta aan ku biimayn
Baariis adoon tegin,  ama Boon ka sheekayn
barashada dalkaagaa,  horta laga bogtaayoo
beryo laysku hawlaa 

Dhulku baaxad sooriyo,  Banan miiran weeyaan
ama waa Bus iyo oon,  ninka Buug ku haystow
beentaada weeyaan !  

Balcad Jawhar Shalanbood,  barakada Qoryooley
waxa Canab bislaadee,  Baydhabi u gaar tahay
Boosaaso iyo Beer,  Bixin-duule Laaleys
Biyo guure Kalabaydh, Beeraha Wajaalee
lagu reebay Baahida,  Baardheere iyo Jilib
waa Boqol kunoo Mayl,  dhulka lagu baraaree
Beeyadu ku taallee,  Badar lagu abuuree
lagu riday Bariiskee, Balka lagu tallaalee
muuskiyo Babbaygii,  barkadeen Xareeddoo

waxa taa ka sii badan,  dhulka Bari-samaadkee
Beeshaanu daaqdee,  Barta aynu dhaqannaa
Barqo dhereg ka joogtee,  iyadoo Barwaaqaa
Balliyada Xareeddii,  ku bariisanaysoo
Bidix Midig dhan loo dayo,  Barigiyo Galbeedkaba
Waaberi Cadceedii,  soo saartay baallaha
Bilcilkiyo Maraagii,  Shinbiruhu bulxamayaan  
indhihii basaasow,  Boorame ma aragteen? 

Ma ogtahay Barbaareey,  heesaha Barawn tumo
adigoon bogga u lulin,  Beerrey Kaweewey
Bismillaahi Saylici,  Hanna-haybsantii bari
Batar iyo wareegtaa,  kuu baadi soocee.  

Ma ogtahay Barbaareey,  qalabkana Bud dhumucliyo
Waran iyo Billaawaa,  kuu baadi soocee 

Ma ogtahay Barbaareey,  Barshin iyo Darfooley
Bayluuli xararlaa,  kuu baadi soocee  

Ma ogtahay Barbaareey,  waxa loo buseelaa
ama qurux ku caan baxay,  ama laysku baantaa
ama lagu bogsoodaa,  Kal-bugtaa ku faydaa
kugu deeqa Baashaal,  Guri bila ku magac dheer
Hablaheenna Bilicdiyo,  Biliggiyo il-waadka leh 

Bilcantii shisheeyaha,  ninka beegsanaayow
waxaan kaaga baqayaa,  inaad baadi noqotee
cidla baylah keligaa,  yaanu bahalku kaa helin 

Isu buri geyaankaa,  barta gogoshu kuu taal
Bahda lagama maarmaan,  bud-dhiggaaga koowaad
Baaqaygu waa kaas.