AXADDII
Waa lay addimey, Axaddii sidaan
Kuu eegayee, Araggeeda taan
Ku il-doogsadaay, Ma illawsan tahay
Axdigaad martiyo, Meeshaad I tidhi
Waan imanayaa.
Immisaad farriin, Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha, Hurdo aawaday
Uga soommanayd
Eed layga keeniyo, Midna amar Illaahay
Kuma aad maqnaanine, Adigayska baaqdee
Haddaad I tidhaahdo iman maayo, Ma aadeen halkaad ogsooneyd
Anigaa isla hadloo, Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysoo, Way imanne sii joog
Mar waxaan idhaahdaa, Axdigaydin dhigateen
Kola oofin maysee, Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan, Uurkayga geliyaa.
Arimada jacayl baa, I hogaaminaysoo
Misna kuma adkaystoo, Kama hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.
Indhaaga habeenkii, Ku ilaalinaayoo
Dhammideed addunyada, Afarteeda waaxood
Hadba gees u eegee
Aammusnow habeenkii, Ug baadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo, Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkoo, Ubax baan guroo
Soo ururiyoo, Amranow golii
Ooddii madhnayd, Ku ag daadiyoon
Ku ilaa xidhoon, Weheshada idhee
Eedaanka diiggoo, Oogsadey salaadiyo
Waagoo iftiimaan, Keligey inaan ahay
Asaraar ka saaroon, Addimada cuskadayoon
Dib u soo arooree
Qof ammaano lumiyoo, Iibsadey xilkeedii
Samo uguma aaye, Aan kala war haynaan
Ku afgooyey heestee, Maxay adiga kula tahay?
|