ARRAWEELO

Ooshu waa halkeedii,   Cirku waa engegan yahay
Naxariisi kama iman,   Dhulku waa arradan yahay
Oogadiisu damac ma leh,   Waa abaar dad qalata ah
Waa sabaan la adhax jabay,   Ma aloosna geedkii
Afti baana sii tiil,   Dadna waa ogsoonaa
Anna baanahaygii,   Ku adkaysan waayee
Sow iimahaygiyo,   Alabkayga lama baran 

Olol-reenka hibashada,   Uugaanka baxayaa
Ma naftii asqowdaa,   Mar labaad arrumisoo
Agabtii xirxiratoo,   Awrkeedu raran yahay ?
Ma awaalihiibaa,   Asmadiyo xanuunkiyo
Aynfaadku saarraa?
Ma abaabulkii baa, Oohowda waallaa,
Ma dabkaan afuufee,  Aasee bakhtiiyaa
Ololkiisu baxayaa? 

Kalgacaylku aafiyo,   Urugiyo dhib badanaa
Kasha nugul ka adakaa,   Soo aarey nabarkii
Ma alwadey sidii geel,   Edeg madhan ma deydeyey
Sida bahal ma oogsadey,   Ma illaday kabtii jaan
Ma ku jiitey awdalan,   Ma arooryadii baa? 

Waabayda udugga leh,   Idin laygu shidi jirey
Abbaartayda saakana,   Ma adeeridii baa
Sidaan aar libaax ahay,  Araggaygu didin jirey 

Arraweelo dumareey,    Arrimaha dhexdeenna ah
Asaraari maayee,   Igu tidhi "ha ii iman"
Anna waan hubaayoo,   Inaan uurka kaa jaro

Afar iyo shan goor baan,   Axdi kuugu qaadoo
Misna oofin waayee,   Isma ogiye goormaan
Tolow aqalka soo galay? 

Ma naftii ku eeddeed,   Obocdeeda karisee
Ishu kaaga fagantaan,  Usha kaaga reebaan
Igdhayee sabaayee,   Uubaale geeyeen
Meelaanay kaa arag,   Ku ilaalinaayaa
Soo jiidhay ooddii,    Ma adaahidii baa?

Addinkaaga hoos taal,   Aburkiyo xarraankiyo
Orka iyo mashxaraddiyo,   Alalaaska baxayaa
Ma ujeeddadaasaa?
Ma addoonsigeeda,  Ajar kuugu sugan yahay?  

Arxanlaay karkabaddiyo,    Araggaygu murugiyo
yaanu umal ku saaqoo,   Anfariir ku geliyiyo
kugu noqon af kala qaad,   Arrintayda gabadh yahay
Nin ambaday ka soo qaad 

Naftan oonku shidayee,   Deyn weydey ololkaa
Amankaagga dhalisee,   Abhin iyo tusaaliyo
Ergo waaya hadashiyo,   Imisaan karaankay
la cuskaday aqoontaA?
Ma waxaanan odhannoon,   ka illaawey baa jira? 
Hadday diiddey amarkii,   ka irdhowdey taladii
Oggolaatay dala'siga,   Eelka maanigaa dhigay?   

Indhahaagu kululaa,   Eebadaadu toganaa
Warmahaagu adakaa,   Arammida ku haysiyo
Aanadaadu weynaa,   Yaad ka aarsanaysaa
Ma nin aabbahaa diley?
Nin astaamahaagiyo,   Quruxdaada oog iyo
Ubax dharan ku sheegoo,    Ammaantaada koobaa
Eed beeli waayee,   Erey tuurleh ruuxii
Afka kaa yidhaahdiyo,   Utin nimaad ku leedahay
Waa maxay abaalkii?   

Sow ma tihid ilayskiyo,   Iidaanka noloshiyo
Iimaanka lahashada,   Sidaan kaaga oolaa?
Immisaan ku jiri baaq,    Heestii ukulidiyo
Cabashiyo abla-ablayn?
Xeerkii Islaamkiyo,   Wixii Eebbahay faray
Olloggayga godobtiyo,   Aanfada ka doortoow
Aabi loo bareeriyo,   Ansax maaha digashadu
Yaan inkaari kugu dhicin,   Ashqaraarka kibirkiyo
Yaanay iiddu kula tegin?
Ha ku tuman aleelaha,   Ha afduubin xaajada
Isirkeeda doon doon,   Ka ummuli tusaalaha
Alif macallin weydii,   Bal abuurta dunidiyo
shalay iyo awaasheed,   Aashaa dib ugu noqo
Bal oddoros hilaadaha,   Bal malee wax iman kara
Berritiyo ayaamaha,   Ifafaale daymood
Bal iskaa ka sheekee,   Wixi aadmi soo maray
Taariikhda uur baar,   Ugub maaha jamashadu
ma ishaaran keligey,    Kalgacaylku waa oday
Asalkiisu waa geed,   Ab abkii lammaanaa
Nabar oof wareemuu,    la abloobo mooyee
Abidkii ma qaran jabo.

Gabadh yahay addduunyada,   Waxaa loo agaasimay
Aayatiinka dhaqashada,   Agan maaha gamashiday
Ma idlaan hankeedii,   Gabno ibo kuryowdoo
Ablo lagala quustoo,    maaha laga inaabsaday
Weli way irmaan tahay,   Waa aroos toddoba baxay
Oori weeye qurux badan,   Waa ammaano dhaxal gala  
Aayadaa ka soo degey,    Rabbi baa aqoolkiyo
Abyiddeeda labadaba,    ka afeeftay beri hore
Duminteeda ma oggola,   Haddaad siibto udubbada
Soo dhaafto Alamtara,   miyaan eedda keligaa
Cidi kuugu imanayn?
Maadigaa awoodda leh,   Taladiyo ummuuruhu
Ma sidaad u aragtaa,   Ma Illaahay baan jirin 

Ula-jeeddadaydii,   Arar baan ku lumiyoo
Warka waan agmarayoo,   Irbad baan ku qalayee
Uus-miirka dulucdiyo,   Amba-qaadka geeddiga
Waxaan guurti ku egmadey,   Hadalkana ku urursaday
Irrid waliba kuu furan,   Haddaan iisho gabar yahay
Marna waa ayaankaa,   marna waa itaalkaa
Sheekadayda iib gee,   Aahdayda faallee
Arladoo dhan gaarsii,   Unuunkaygu waa Hibo
kuma haysto aakhiro.