Arag Maqal

 
Ergaduu farriintiyo,   ku adkekeyey heestee
egmadaanu kulanoo,   looxii ilhaankaan
sida uurku baalaha,   indhahayga saaroo
warku waa ammaanee,   adna Maxamed moogow  
AAKHIRO halkay tahay,   Cabdi-Qays ogeysii 

Ayaadaha Qur'aankiyo,   arraxmaan siday tiri
hadalkii Illaahay,   ruuxii Islaam ihi
sida uu aqoonsaday 

Waa ooman hawdoo,   waa guri abeesoo
edeg weeye hoosoo,   abataaq ku yaalloo
waa iil madow oo,   rabbigay addoomaha
kaga aar gutaayoo,   waxa laga arooraa
irridaha xabaashoo,   anban maayo ruuxii
qabri lagu adkeeyaa 

Marna oogadeeniyo,   waa oosha guudkoo
waa beer udgoon iyo,   duni wada ilaysoo
waa ceel irmaan iyo,   togag wada ordaayiyo
ilo wada xareedoo,   lagu oon baxaayoo
naftu eegmo sugashada,   ashqaraar ka qaadoo
toddobaatan ooryood,   lala aqal galaayoo
rabbigay addoomaha,   ku abaal marshaayoo
dhibta lagu ilaawaa  

Afhayaha barbaartow,    ababshaha dhallaankow
taliyaha abwaankow,    aabbaha jacaylkow
adigoon ogeyn baan,   uurkaaga baadhoo
ula jeeddadaadaan,   ka arkaa dhul dheeroo
arrintaadu qaysow,   af gobaadsi weeyee 

Aakhiro Cabdow,   way aasan tahay
iilkay jirtaa,   aakhiro Cabdow
anbatoo luntoo,   ururkiyo laxuhu
awrkii cirkay,    ku ag-xidhantahee
dadku yuu ku eedayn,    ha dhex gelin ammuuraha
isha xidho afkana dhawr,   arag maqal warkana ood.