Anun baa hooyadaa ah

Maansadani waxa ay ka mid tahay maansooyinka Hadraawi ee dambe. Waxa ay curatay 26kii April 1998. Waxa ay ku saabsan tahay hooyo dhashay dhawr wiil, ku soo tacabtay barbaarintooda hiil iyo hooba, soona ababisay, korisey oo bulshada dhex keentay iyaga oo 'mudh baxsan oo wada xal xalan' oo xilligii kaalin qaadka jooga, quruxda iyo shacnigooda shaydaanka laga naarayo. Hanaqaadkii inammadaas ka dib, ayay hooyadaasi ku keliyeysanaysaa oo inammadii kaga dhaqaaqayaan halkii ay ku soo hadal iyo hadaaq bartay, rugtii ay ku soo ababisey ee ku soo korisey. Waxa isku soo hadhaya gurigaas oo mugdi ah iyo hooyadaas oo cad ah (da' ah). Waxa ay dareemaysaa in ay goblan tahay iyada oo haddana inammo dhashay oo weliba ay meel la joogaan. Waayo inammadu kama war qabaan hooyadood in ay xalayto nabad qab ku seexatay iyo in ay saaka nabad ku waaberiisatey, ma oga xaalkeeda iyo waxa ay ku sugan tahay. Waxa ay hooyadaasi ku ciil belbeshaa oo tidhaahdaa: "Tib dhalay,oo Mooye dhalay, Magalooti dhalay, Soo muuqde dhalay, Sii muuqde dhalay, goblan wiilal lagu falaan ahay! Dareenkaas ayay maansadu ka dhalatay, waana hoga-tus ku saabsan hooyada doorarkeeda, hankeeda iyo hirashadeeda iyo docda kale dheg-weynida iyo dammanida ubadka, gaar ahaan kuwa dayaca waalidka ee ka gaabiya gudashada iyo garashada xaqa iyo xuquuqda waalidka, gaar ahaan hooyada. Hooyadaas dayaca iyo darxumadu haleeshay oo aammusi kari weydey, hooggeedana qarsan kari waydey, waxayna tidhi:


Hunguri calaf baa xukuma,  hantina dhaqan baa shushuba
dadkana hiddihiisa guud,  wixii la hayaa dhex yaal 

Xaq iyo u hal-buuxintiisa,  habboonkiyo waalid tiisa
hilbiyo ku arooriddooda,  siduu uga hawl yaraysto
halmaan laga yeeli maayo,  hawiyo tumashoy dhashayda
ka daa gacan haadiskaaga,  barbaar hanaqaad ku leexday
duciyo habaar qaadan waayey,  cir iyo heeguu noqdaa
hadhaysa dhul aan aqoone,  hoygii madhan wiilashiisa
haween dumar baa ka sheegta,  hablaha kacay baa u yeedha
haldhaa jecel baa u qaybsan 

Inaan hadlo maan sugaynin,  baxnaanana maan horjoogsan
hubsiinana maan illaawin,  hoggeediyo xaajadayda
dareenka haloosigiisa,  hu'giisa inaan ka qaado
hayaanka fogaaday baa leh,  markaan cidla hiil ka waayey
naftayda halaanhalkeeda,  waxaan huri waayey sheego 

Haantii lulatay dhegayso,  hoobaanta agtaada taalla
hadhiinadu baadi weeye,  hashii korisaa u ciillan 

Qof aad halab saariddiisa,  daryeelka horseedaddiisa
dedaallada heensihiisa,  habeenna ka seexan weydey
ku meel maray heegantaada,  markuu hagar kuu banneeyo
dharaar ku haleeli waayo,  hortaada waxaa yimaada
sidaad ugu heellanayde,  harraad iyo waa kalkiise
hillaac baxayow dhegayso,  siday talo kaaga hoostay 

Calooshu intay ku hoysey,  hiyigu ku baxnaaninaayey
horaadka intaad jaqaysey,  dhabtaydu intay ku haysey
intaad huwanayd taftayda,  hobeeya hobeey hobeyda
intaan dusha kuugu heesay,  intaan hanad kuugu yeedhay
hawraaraha kugu ammaanay,  intaan hubin kuu xambaaray
dartaa u hoggaansanaaday,  hadhuubada aan ku siiyey
habniin adigoo ku diidey,  intaan hambo kuu daboolay
hamuun iyo gaajo qaatay,  adoo haqab-beel ku seexday
intaan hurdo kuu illaaway,  ilaashay hareerahaaga
hungaa i xasuusinaysa,  hayaaydana meel shishaa leh

Hilowga naftaa aloosan,  kashaa hinqanaysa goorba
hankaa i waraysanaaya,  tolow hebel mee ku foogan
aniyo hirashaa is weyney,  higsiga noloshaa adkaaday
adduun iyo haybsigiisa,  hangool li'idaan ku daayey
waxaan ku hagaagi waayey,  dhankaad ku hagaagsanayde
adoo ka hanweyn xaggayga,  qof kuugu hanweyn dantiisa
ciddaad ku hallaysay mooyi

Halyeynnimadaada sheelan,  habawgiyo dhiirrintiisa
ayaan halis kuu tusayne,  intaan kugu hawlo-daaley
intaan kugu hoodo-sheegtay 

Intaan hebla kuugu faanay,  hilaado fog bay lahayde
inaan hafarkaaga qaato,  sidaad ku heshaa da' weyne
adiyo habigaaga mooyi!

Habaaska inaad cantuugto,  adoo hanadaan ka dooratay
xaggayga hibaan ku saaray,  anigu ku habaari maayo
huq baase ku raadinaysa,  hibaaq xalan maad ahayne
hufnaanta dhibtii abuurtay,  inaanay hadhayn yaqiinso! 

Hawaala adduun rabbaa og,  dadkuna kala hoodo weeye
haddeer iyo tii haddeer,  hadhow iyo tii hadhow
hoosiyo sare tii ku raacda,  anun baa hooyadaaya.