AMAL
Maansadan Amal waxa ay ka mid tahay heesihii dardaraha jacaylka ee
Hadraawi, soona baxay sannadihii berisamaadka fanka soomaalida ee
horraantii toddobaatanaadkii.
Dadku kala Ayaan roon, ama kala Aqoon dheer
ama kala Asluub weyn, haddaan Eed la doonayn
ama Deeq Ilaahay, Asaraar ka taagnayn
Dadku Eexo kaa gelin, inan yahay la'aantaa
Dumar lama abuureen, Gabar lama ammaaneen
Jacayl looma ooyeen.
Geed Beer udgoon iyo, ku dhex-yaal Ugbaadoo
Ubax iyo Man fuulaay
Ulihii madheedhkee, Iimey ku yaalliyo
Ilo wada xareedoo, Nafta lagu illaawaay
Dayaxoo iftiimoo, Arladoo dhan gadhoo
Afar iyo tobnaadaay.
Qorraxdoo aroortii, Dhulka soo abbaartoo
Sagal iid dhex joogtaay, waxaad tahay adduunyada
Dhexda udubka haystoo, xejiyoo adkeeyoo
Af-gobaadsan maayoo, Qurux lama amaahdee
Ashkir geenyo ugubeey.
Adhaxdiyo laf-dhabartiyo, Sanbabbada agtoodiyo
Ililaha halbowlaha, Eebaa ku mudanoo
Arrintii cuslaatoo, Naftu aammusnaantii
Iimaansan weydoo,
Amaleey jacaylkii, soo dhaafyey uurkoo
Afku haysan waayoo, goortaan ogaadee
Arammidu dillaacdaan, ooddii ka leexshee
Axdi jaba abaal luma, kaa eegi maayee
Igar iyo maqaarkeed, innagoo ahaannaan
Hadalkii ku ururshee, Adiguna dheh aammiin.
|