AF KU-SIRAN

Bismillaahi oohow!,   Runtu aydin maahee
Bal adeentideedii,   Oohow! Ka oohow!.

Dhulku waa ammaanee,   Abbaan-duulihiisow
Adhi raacistiisii ,   Ma-Orgaad ka tahay weli
Asaraarka maantii,   Ka il nugul habeenkii?

Bogashada iddiisiyo,   Wax ka maqan asaaggii
Nin ku helay il-duufkow,   Hadba doqon-aroorkiyo
Hadba oon-ku-fuliddiyo

Indha-garashadeediyo,   ILLowgeeda badan baa
Gelin qudha intaadiyo,   Kugu baray er’erigee,  -------------------
Haddaad aammin-doon tahay,   Eedahaaga biiraa
Aqal maaha laga galo,   Arrin lagugu leeyahay.

Marba waxay aslaysaa,   Asal lagu-xumeeyee
Asliddeeda mooyee,    Isu eeddo weeyoo   
Arbacaa ka werisoo,   Waxay tidhi Isniintii
Ku idlaatay xagashadu;  

“IL-baxnimadu waa yaab,   Maanta iibsadeediyo
Axaddeedu badanaa!   Weli waa ayaantii
Lagu cunay ayaankee,   Immisaa ka hadhay tolow   

Berritiyo amaahdii,   Lagu qoray albaabada?”

Afo waa ninkeediyo,   Arbe dheelli tiri kara,
Aarna waa dhiggiisiyo,   Oori laysku dherersado,
Aragtida midaysiyo,   Dadna urur ku qaan gaadh.

Wacashada Ibleyskaa,   Indha-beelka sidatee
Dhulka obolos baa shilay,   Waxa lagu agaasimey
Asaroorintiisoo,   Erayada tix-gelintiyo
Ummadaynta ficilkiyo,   Innagaa ka madhatoo
Hadba inan qolaystiyo,   Isagaa ku badatoo
Magacyada Ukulidiyo,   Alabbada fal-tuuggiyo
Anigaa ku tarantoo,   Asma lagu xabaaliyo
Werwer bay ku aaseen.

Dhal Aboodi weeyoo,   Intatabo ma weydee
Adhaxday ka jiiftaa,   Addinkay ka tahay maya
ILLinkaa fal kaga jabay,   Cabsi bay ku oodeen.

Waa adduunyo teedii,   Ifafaalayaashii
Aammanuun ka soo yiil.

Waa iliilaheedii,   Agankiyo lurkeedii,
Waa Aroosanteedii,   Indhal-furashadeedii.
Marna Ayro-jookhiyo,   Ula-dhabanta soofkiyo
Amba-qaadka jaantaa,   Kasha lulan ilaysoo
Tabashada ob-siisoo,   Ha ekaatadeedaa
Af-yaqaanku seesaa.

Marna waxay ku ururtaa,   Agagaarka calalkiyo
Raqda eegideediyo,   Ubbadeeda dacarta ah,
Ajo-weerarkeedaa,   Arammidu qunbacataa.

Marka lagu akeekimo,   Marka lagu ormeeyee
Falan lagu af-duubee,   Marba eel ku gororee
Hirashadu asqowdee,   Ulashadu hungowdee
Asalkeedu guuree,  Ambisadu xidh-xidhatee
Babbisadu ku orisee,   Is ahaanta kelinnimo
Dadku wada-ammaantee,   Odeygeedu waashee
Ina belo ka taliyee,   Lagu amarro-qooqee
La-ILaahyo sheegtaa,   La-awoodo beenshaa.

Marka laga dul ooyee,   Asaydeedu badatee
Alwadkiyo hayaaydiyo,   Kolba aah! ku firidhaa
Axdigeeda nabadeed,   Lagu aammusiiyaa,
Bixisada ku oloshiyo,   Agaraa-damteedaa
Ifisadu ka beridaa.

Waa ammaaraddeedii,   Ardal loo qab-qaban jirey.
Waa astaamaheedii,   Marka laga inaabsado
Shimbirkeedu iman jirey.
Waa awaaleheedii,   Allaheedu furan jirey
Runta lagu asturi jirey.
Waa Arooryadeedii,   Al-aloosku dhalan jirey.
Waa Islaaminteedii,   Marka aadun laga dhigo.
Waa abaabulkeedii,   Askarteeda lagu yidhi;
"Xadhko harag Abeesiyo,  Urta bahalka hoosiyo
Abur beena lagu dedey,   Usha ba'an ku sii daa"
Waa ummuuraheedii,   Itixaanku saarnaa.
Waa abraaraheedii,   Lagu kala astaysnaa.
Waa ardaa-dhiggeedii,   Ninka aabo xidhatiyo
Xasan Guure odhan jirey;   “Mar hadday or'orod tahay  ------------------
Ragannimo abkeedaa,   Lagu iil-bannaystaa”

Xil adduunyo waa qool,   Labadeeda aadka ah
Waxa laysku aadshaa,  Marka labada aadka ah
Midba dhinac ku aad yahay,   Laba dhinac ku aadaan.

Orrob lagu bariistiyo,   Marka eexo-dirashada
Lagu gabo arbeebbiga,   Af-ku-siran cad loo rogo
Ereyguna ku madi yahay,   Alleylehe nin baa yidhi;
"Arartaa gun noqotoo,   Kuma aaddo hawshay
Dadku odhan lahaayeen,   Alle mahaddi weeyaan"

Dadka oof dalooshiyo,   Ammin baa sugaysoo
Waa ayaamo jiratee,   Orka Gabay nin sugayow
Irbad baa wax humisee,   Wax ku soo dar aammiin.

Anda-qaadka hubantidu,   Qofba wuxu ishaartiyo
Idan lagu cawaystiyo,   Ha ahaato maahoo
Ficil baa ansixiyee,   Imminkaba garaadow!
Arrimaha dad lagu yahay,   Ha ku xadin Allow sahal.

Naftu weyska oydaa,   Marka aammuskeedii
Cunto loogu iibshoo,   Waxay eersi badataa
Markay iimo badatoo,   Fadhigaa arradiyoo
Baryadaa awaadhee,   Haddaan aano loo hayn
Anafada masayrka ah

Cidi kuma irdheysoo,   Kol hadday asturan tahay
Cidi kama adkaatee,   Halka aayaheediyo
Awaydeedu yaalliin,   Alamtara fogaatiyo
Abataqan ha kaga dhigin.

Isirrada gobtoodiyo,   Agabaynta liileed
Unkiddii fal-samidiyo,   Abyantii dalaysnayd
Alabada farshaxannimo,   Halka ay ku ururtiyo
Wax abuur ku talax-taga,   Axadkeeda mudanka ah
Ma abaaddadiisii,   Galladdii adduunkiyo
Wax-ku-oolladeedii,   Bilicdiyo As-gogolkii
Mahaddiyo ug-baadkii,   Dhulka lagu ilaa-xidhay
Noloshiyo ilayskii,   Indha-korisadeedii
Allannimadu saarnayd.

Idil halabadeedii,   Uduggiyo cuddoonkii
Quruxdiyo il-waadkii,   Ugubnimo ku dheehnayd
Onkodkiyo hillaacii,   Afaggaalladeedii
Ashqaraarradeedii,   Dadka baray aftahamada,

Ula-jeeddadeedii,   Lagu sugay abbaaraha
Nafta lagu abaabulo,   Asalkiyo hufnaantii
IIdaanka noqon jirey,   Hadba oonta lagu liqo,
Ishin-buuxsankeedii,   IImaanka dhali jirey
Qumanyada afuuftiyo,   Ku xusuuso aynfaad.

Ergadeeda dunidii,   Uhu bay ka qaaddoo
Arxan gooyeheedii,   Ka baxsaday asxaantaa
Ka dhex galay ilaalkii,   Ka baxsaday inkaartoo
Ibo-laalankeediyo,   Awaydeeda gurantaa
Isha deeqi waayoo,   Hadba soo ur'ururkiyo
Abshirteeda fagantiyo,   Aayeheeda jiitiyo
Idifkiyo rifnaantiyo,   Afkan sii balwanayee
Hadba idhan durkinayee,   ILko sii qor-qorayaa
Nafta aamminkeedii,   Anfariir ku dhaliyee
Aga! Aga! Nin yaabow!,   Addinkaa deg-degayee
Haddaan Aadan soo noqon,   Aga! Agada! Maantaas
Aga! Kale ku doon-doon.

Aafadaada mooyee,   Dhulku iin ma yeeshee
Waxay eersanaysaa,   Dadka alamsigiisiyo
Insi iyo Jin weeyoo,   Laba-aabbudhkoodaa
Asaddihinta keenoo,   Garashada ablowdiyo
Gudin jecel abaartaa,   Marba aag bannaysoo
Erigo'an ka yeeshoo

Ufadiyo dabayshiyo,   Omoskiyo basaastiyo
Waxa umal hadhsanayaa,   Waxa uumi shidayaa
Waxa oon ka hurayaa,   Waxa oog ka baxayaa
Waxa olol ka kacayaa,   Waxa uus ka hirayaa
Waxa baas ka urayaa,   Waxa eel ku da'ayaa
Ruqa-udubbadeediyo,   Arradkeeda buuxaa
Ololaha birtaadiyo,   Hubka agabarkiisiyo
Aragtida hunguriyo,   Ambadkaaga weeyaan!

Dabashada Atoorkiyo,   Qalashada Ugeybkiyo
Ummul-raaca Maqashiyo,   Waxa Dheri olkamayaa
Waa Abaydinkeedii,   Lagu cunay amaahdoo
Naca Aynabkaagiyo,   Argagixisadaadaa
Urugada ku dhaliyoo,   Waxa damal Ab-guuree
La engegey harraadkee,   Berkeduu asqeeyeen
Waxa Lebi agoonee,   Ehelkiyo bahdiisii
Olloggii ku xeernaa,   Laga guray unuunkee
Cid-la' keli ku awdalan,   Jabka eleledkeediyo
Axda geedka dhacayaa,   Isir nugul damqaayoo
Boqol-eefiddaadiyo,   Aabigaaga waxa lumay
Nin ‘og baa xusuustoo,   Hadba waxad abbaartaa  --------------
Barta lagugu eediyo,   Godka ooda-rogankoo,
Carra Edeg haliilow!,   Ayax baad ku noqotoo
ILLashada hammuuntiyo,   Ardi baad ku gadatoo,
Ahminkiisa nuurka ah,   Ababkiisa naarta ah
Okholaad ku shubatoo,   Arroweeladaadaa
Ku addoonsanaysoo,   Waxad tahay Af-madhan-diid
Abxaddiisa gaalka ah,   Weligiis la iidoo
Dhulka arah ku joogoo,   Hadba ubaxa laaciyo 
Aslantiisa diirtoo,   Urtadiisa dabadeed
Ku abqaala ciiddoo,   Uskagaynta mooyee
Abdo kaama dhalatoo,   Waxa eel dul-yaallaa
Waa areebadaadee,   Mar awoowihiisow
Mar ayeeyadiisow,   Waa abaal-gudkaagii
Rabbi kugu aqoon jirey!

Waxad tahay Arkaa-qaad,   Ibtilooyin badanoo
Marba Saar eryanayoo,   Hadba aafo dhabatiyo
Ololayso kicisoo,   Mahad lagu idlaystiyo
Marba deeq af-rogayoo,   Axankiisa cunayee
Ha ku eeran bixisada,   Marba lagu-ag’ dhigayee
Ajashaadu sudhan tahay.

Dadku waa ab culus yahay,   Ohli maaha weelkiyo
Lagu rido alaabtee,   Ha addoomin garashada.
Waxad tahay ugaaskii,   Hanashada adduunkiyo
Ifka loogu hiishee,   Ha la biqin awoodaha
Lagu furo albaabbada,    Xujadoodu adag tahay
Axdi baa Ku-xidhayee,   Magantaad ka oday tahay
Marti Adigu haw noqon.   

Alkun laga war qaatiyo,   Murti lagu ul goostiyo
Waa adduun sarbeebo ah,   Waa abuur wacdaro badan
Waa astaanta hirashada,   Waa abbaarta xilashada
Waa ilayska barashada,   Waa aqoonta gudashada
Waa ammaan-ku-sugashada,   Waa ILaah-ku-garashada
Nafta lagaga eed baxo.   

Asli weeye raarridan,   Waana amarro-weyn tahay.
Orgobaynta hororkiyo,   Gudmo lagu ugaadhsado
Adyad looma soo rogin.

Idan bay ku joogtaa,   Duluc iyo ujeeddiyo
Ahab bay ku tahay duni,   Eray bay ku timi qudha
Misna lama astayn karo,   Erayadu ma koobaan
Alleheeda mooyee ,    Af tirshaana maba jiro.

Sirta unugyadeediyo,    Alifkiyo ya'deedaa
Hadba sii ekaadoo,    Dadbanaa Aloolkiyo
Abjedkeeda dahan baa,    Marba adag gashanayoo
Ibaheeda sudan baa,    Marba aasan dhalayoo
Waxa aadmi garan karo,    Ibir madhan ka dhigayoo
Indha-daalis weeyee,    Taxanaha arooriyo
Udbaheeda Saantaa,    Wax aqooni hubisiyo
Waxay eegmo baratiyo,    Ino way ka badan tahay.

Nin ku ayni-dhaafiyo,    Qof ayaamo milicsaday,
Oommanuu ka joogaa!,    Orod laguma jiidhee,
Axadhkay ku tahay samo.

Ifafaale mooyee,    Kol haddaan oddorosyada
Berri alabbadeediyo,    Runta lama-awaalka ah
Sina lagu ogaan Karin,    Wax-aqoolka taladiyo
Fulintiyo awoodaha,   Ta-ahaata weligeed
Cidi oolin karin taas,    Way ka ood shishaysaa
Ardaygeeda waagiyo,   Nin aroorta sugayoo
Nin aflaxay tin kama jarin,    Nin irmaanta qaadiyo
Axad jiraba waa been,   Afartiisa weedhoodh.

Isa siinta taadiyo,   Anigiyo Anaa huba
Runtu kuma idlaatoo,   Ikhtiyaarka gaarka ah
Cidi kuma ahaatoo,   Qof iskii is-mahadshaa
Maba jiro adduunkee,    Asalkeeda garashada
Ha ka dhigin ogaalkaa!

Haddii looga Awr-dayo,   Sadarrada agnaanka ah
Lama helo asaaskee,   Waxa lagu ilaashaa
Isir-barashadeediyo,    Wacad oofinteedaa
Aayaheeda weligaa,    Hanashada ku eel-saar
Oogsigeeda faralka ah,    Xaajadeeda ugubka
Lama-aragta kowda ah,    Ku arrumi xadkeedii
Marba loo akhriyi jirey.

Ma irmaana weligeed,   Igadh maaha yu’ashada ------------
Lagu ibo-salaaxee,    Marka ay asooshiyo
Markay uurka leedahay,    ILma-rogashadeediyo
Ku baxnaani iimaan.

Samaheedu waa iib,   Ha amaahan teedoo
Oogadeeda waxa yaal,   Ha ku urursan boobkee
Oggolaansho weyddii.

Asturkeeda mooyee,   Yaan ayaanku kaa noqon
Furashada ab-guurka ah.
In ka gooso mooyee,   Ha ku agagas dheeraan.
Ashkir weeye qurux badan,   Inannimo carteediyo
Ugub kay ku tahay shay,   Araggay ku wacan tahay
Afka laguma gaacshee,   Indhahana wax kaga guro!

Wuxu waa adduunyoo,   Lama sudho ‘agtaadee
Waa la-aakhireeyaa!

Way ammaano jeceshahay,   Waanay eeso badan tahay
Ma illowdo godobaha,   Ashtakooyinkeedaa
Fara badan ayaantay,   Ka lahayd afeeftoo
Eedeheeda lama galo,   Utunteeda lama xigo
Aanadeeda kugu maqan,   Nafta laguma aamino.

Abhinteeda badatiyo,   Ergadeeda maragga ah
Ayo! laguma gees maro,   Denbi-oogiddeediyo
Aarsigeeda lama sugo.

Indho lagu xaqiijiyo,   Runtu aragga maahee,
Aaminkeeda weeyaan.

Dhulku Aayad weeyoo,   Lama oga xogteediyo
Arrimaha sirteedoo,   Xarumaha Aboorkiyo
Aqallada Dhalleydee,   Shimbiruhu ka oriyaan
Agaraadam maahee,   Arar luuq-ku-qarintiyo
Ma-amuumiyeyntaa,   Asaraar ku geliseen?

Dhagaxiyo Aleeluhu,   Dhego awdan maahee
Aammuskay ku nooshahay,   Waxa dhacaya ku og tahay
Eegmaday ku tahay ruux,   Waa ummuur ku-dagasho ah
Lagu dayo qof Aadmiyah.

Isa-sudhanta kayntiyo,   Aydu maaha keligaa
Ooshu waa naf iyo reer,   Ummad baad dhex joogtaa
Amarkeedu culus yahay,   Agahaagu waa duul
Isha ba’an ka saahidey,   Lama uubateeyee   ----------------
Yaan asluubtu kaa lumin!

Wax ka awr-ran baad tahay,   Habka Eyda dheregtee
Haki ababa’daadiyo,   Afar-qaadka kibirkiyo
Alalaaska nacaska ah.

Ummushooda huruddiyo,   Abi-xoorta dhalatiyo
Ubadkooda kala quban,   Aashaa! Ka aashaa!
Addimmada ka dhawr-dhawr.

Awrka qooqay Jinacyada,   Waa Abeer ku-carashee
Al-alooska hawlaha,   Ha ku ridin amaagguur!
Bullashada Amuurkiyo,   Xerta alabaskeediyo
Ardaydooda shiranta ah,   Nabaddooda eexee
Cagta aayar dooh-dooh!

Mulacyada arooska ah,   Colka inan-la-yaalaka ah
Ooryahooda diibka leh,   Kal-amaarka Shalanqada
Nafta idibbilkeediyo,   Uunsigeeda baaqa ah
Ha ku yeedhin uugaan!,   Dhirta oday xidaariyo
Awliyaa ka dhalatoo,   Waa akhyaar la-moog yahay.
Hal-abuurro magacliyo,   Waa Abwaanno qaarkood
Laga qoro af-tahamada,   Dadka way in garataa
Qofka waw ab-tirisaa,  Ka ilaali dala'siga
Afka lagu xubeeriyo,   Ixtiraamka kula hadal.
Ahlantaa xasilisee,   Ha ku uur samaatee
Ehelnimo ku xadantee.

Yaanay oodda kaa rogan,   Isha yaanay kugu gubin
Yey Afkeeda kugu xaman,   Bahal yaanay kugu oran
Axmaq yaanay kugu qorin,   Yey asaasaq kugu tolin!

Arlo lama maleeyoo,   Uumiyaa Ku-filayoo
Isirrada dad weheshaa,   Wax imbiiga maahee
Ku aqoonso qirashada,   Aayadaa ku soo degey!
Edeb baa hor joogtee,   Usta! yaanay kugu hodin.
Ka-ka urursanaadee,   Anshaxiisa jira noqo.    ??????????????

Abdo kuma-shidhaystiyo,   Dadna looma ooyaa
Arag lagu xasuustaa,   Yaanu eersi kaa geyn
Arrimaha xuduudka leh.

Arxankaa garaabee,   Doqon baa la-eedaa
Yaan asxaantu kaa madhan.
Egmashada dadnimadiyo,   Ku dhex joog aloosnaan,
Amranaanta kula dhaqan.   

Dadku waa Addoomoo,   lama siin awoodaha
Alle lagaga maarmoo,   keli lagu ahaadee
ha illaawin baqashada. 



  ALLAA MAHAD LEH.

Tifaf-tirkii iyo diyaarintii:

  Dhuux Digale Dualeh.