Adduunyadu waa besteed

Haddaan idhi Boqorkayow,   Waxaan idhi Boqorkayow
Allow barashaan ogeyn,   intay tahay baaxaddaa
Qofkuna badow buu ka yahay,   inuu kugu soo ban-dhigo
Bayaannada aan fogeyn.

Bishmaan u daraandarayn,   inuu boqolkaaga magac
Intuu Bisinkaagu yahay,   ka sheego wax aan badnayn.
Waxaad tahay gun iyo baar,   Ballaadh iyo deeq mug weyn  
Waxaad tahay beer janna ah,   waxaad tahay baarri faxan,
Intaad bixisaa raxmada,   intaad burisaa raja ah
Intaad hanataa ka badan,   Baxaalliga hawl adduun
Wax-beelka intaan hurayn,   Bushaaro hayaad u tahay.

Waxaad tahay baahi-laawe,   Waxaad tahay baahidayda
ILaahnimadaada buuxda,   Qof waayey ma baadi-doonin
Rugaha Boqortooyadaada,   Qofkii u bal-reebi waayey
ma xeerin badbaadadiisa.

Xuduudka baddaada caaggan,   Qof tiigsadey baylah weeye.

Kulaylka buruuddadaada,   Sharkaaga bareerka dhiirran
Baqaa lagu aaminaa,   Burjina Adigaa ku sugan
Awoodaha baaca dheer.

Adduunyadu waa berdaan,   Run baa la-bog-dooxayaa
 Dadkaa la-bilkeedayaa,   Higsiga baradeeda nool
Waxaa lagu beegsadaa,   Baxnaaniyo toogo-hayn   
Baqoolkuna waa jiraa,   Naftana ballankii ka yiil
Haddaan lala beretansiin,   waxaa lagu beegmayaa
Bayuuraha aan hambayn. 

Hadday tahay beri-samaad,   Ta baasina way ag taal
Haddaan laga bayrsanaan.

Dhulkana Bidixlaa ku nool,   Waxaa jira Beenhawaas,
Ibleyskuna waa bakhayl,   Bahdiisuna waa yiciis.

Balway ku hor qaadayaan,   Bustay kugu laabayaan
Wedkay balag saarayaan,  Hadday buro kaa helaan
waxay kugu bari furaan,   Dharaaraha baane jiro,
Belaayana way guddaa,   Bariisana way dhacdaa,  
Haddaan laga sii bed-qabin,   waxaad ku baraarugtaa
Beentaadu runtay necbayd.

Barwaaqo markay hayaan,   Hadday isa sii bidaan
Baxdowga markay yihiin,   Hadday isu sii bogaan
Addoomuhu ways bulaan.

Waxay cadho biirsadaan,   waxaa lagu sii badaa
Xanuun iyo Boogo kale.

Hadday isa sii baraan,   inay Berri sii cunaan
Banbaaniyo xaaja guud,   Haddii baga loo cuskado
Bulshiyo wada-doonistii,   Qof iyo wada-buul-dhis tahay
Yiqiintuna bowsi tahay,   Nin iyo keli loo boqrado
Hiyigu kala-baadsan yahay,   Bartii qof yaqaan hungow
Bil-khayrtuna way fog tahay.   

Markay naftu baadi tahay,   Haddaan bahal Kuu sanqadhin
Cabsida bixisaa ka weyn. 

Hadduu qofku been dugsado,   Baqaa lagu xeerayaa
Bahduu ka curyaamayaa,   wax baydadiyaa eryada
Cishaba babbisaa hor taal,   waxaa ku bannaan runtii 
waxay u ahayd ku beel,   Dhankeedana bayr ka qaad
inay tahay baahi-diid,   haddana yidhi baadi doon
Halkeeda wax buuxin kara.

Berruu ka saluug qabaa,   Bursuu ku xujoobayaa,
Duruus u habee baryada,   Beybeysiga hawl ka dhigey
Bishimaha ka calaacalsii,   Sengihi Faney Booddo-waal,
Xumaanta u beer-nuglaa,   Bahaynta ku caado goo
Shan baabbaco hoo ku qaad,   Idaha Gurey loo baqee
Xanjiyo Xabag loo bad-badi,   Haddana balawaas ka qaad
Busaaradi waa halkii,   Hungaa baradiisa taal.

Cishaba filan-waa ku baah,   Cishaba garan-waa ku biir
Saqaha dhexe baaq u yeer,   Canaan ka bariisan waa.

Belaayo waxay tustaa,   markuu isa sii barkado
inuu weli sii baxsado.

Baraad-la' usii galgaley,   Qallooc isu sii barbari
Bidaartana sii arradi,   Wanaagga ka baali noqoy
intii bilan sii illow,   Buddiisana sii gorgori
Waxyeellada sii bogbogey,   Adduunyada baylah mood  ------
Runteedana boob ku waa,   Dhabteeda bannaysan waa
Dhibteedana baajin waa,   Baraarena ciil ku waa
Walaacana Baan ka waa,   Badbaadana meel u waa.
Naftana biya-dhiijin waa,   Dharaarna is-baari waa
Kashana boholyow ka waa,   Bareer lagu sii hubsado
Hiyiga barakaysan waa,   Hankana ku barooran waa,
haddaan baqe fuushanayn,   inuu yahay Buur ku diid
Dareennada boorta neceb,   Guddoonsey is-been-farriin 
Badroolka inuu ku sugo.   

Bisaylka hadduu qof diido,   Biraynta ku faani waayo
Bakhtuu uga sii socdaaye,   Hadduu qofku baydda goosto
inuu bini-caashaqiisa,  ku baayaco geeridiisa
Baraar Ari baa taqaan.

Xalaashiyo buunigeeda,   haddaad u buseeli weydo
Bogsiinta ka raadi maaha,   wixii lagu sii bukoodo
Xumaantuna waa basari,   Naftay bilic-guurisaa
Bidhaantuna maaha ruux,   haddaanay lahayn Burhaan
Bar kaa maqan baad la'dahay,   Basaastuna waa qalbiga
Kashaa laga baal qoyaa,   intaas ha ka dhaafin baal. 

Waxaa isu soo bulladay,   Bugaanbugihii wakhtiga
Bilaash-jeceshii casriga,   Bulaanbuliyey tumeen
Dadkuna budulkooda raac,   Siyaasina beel ku dhoof
Dantiisa ku baadi doon,   ku baaji xilkay lahayd
sidii Goray Baar-caddihi,   Ballaarsiga Diin ka dhigey  --- 
Baxnaanada sii adkee,   Hilaadaha sii burburi
Bawaarkana sii ulee,   Bilaale ka qaad yaraa
Cishaba huri Duur belbela,   Billaawaha sii casee
Billaahida sii xasee,   Buskeeda ku sii xabaal
Biliiliqo sii dhudhumi,   Baruurana sii fantee

Awaalaha sii basaas,   sidii Buro soo noq-noqoy
markay barar fuuqsadaan,   sidii Dibi Bey madow
hadday u banaaxiyaan,   Baryaha-cune jeer hungow
Xaqiiqada Boor ku laac.

Adduunyadu waa besteed,   Nin Biima ah baa khatalay
Hub iyo buntukh loo shushubi,   sidii Bulay loogu hees
intii ba'an laysu dhiib,   Dalaal lagu beer-caddaa
Qof iyo baradiis is cune,   Bariidada lays la waa.

Wuxuu Boqorkeedu yiri,   wixii Bido meel u yaal
ILaah bixiyaa ka dhow,   Bushaarana way jirtaa.

Hadday Falaw baaban tahay,   Bannaanadiyaa xaslada
hadday bili doorsan tahay,   Baftiyo qurux baa u taal
hadday tahay Biir aja ah,   Caway ku ballaysan tahay
Bar-laawe hadduu didsaday,   Barbaar gudan baa u nool
hadduu Baqal-fuul gurguray,   Baroor-Faras baa hidda ah
hadduu Barax-miis ku dhalay,   Runtaan la-biyeyn karayn
Nin bayrsadayow dan guud,   waxaa jira baadi-doon
Af booli wixii ku maqan,   Col soo bedayaa ogsoon  
Badraanno hadday jiraan,   Barqaa lagu waayayaa
Hadday wada baar-qab tahay,   wixii dhacay Geed Berda ah
Fircoonnada baaxad dumey,   Beryii tegey baa hubsaday
Dhufaanna bir waa yaqaan.

Hadday wada B.M tahay,   Buruud kiciyaa dul yaal
waxay bohol jiirayaan ,   Libaax bulbullaa ku jira
in Baal sidataa dahsoon,   in Baabbacalaa digtoon
Dhashii Beder baa xirxiran,   Biddena camalkiis u daa.


ALLAA MAHAD LEH.

Tifaf-tirkii iyo diyaarintii:

   Dhuux Digale Duale.