Taariikh Nololeedkii Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Taariikhda Abwaanka caanka ah ee soomaaliyeed Professor Maxamed Ibraahim Warsame oo ku magac dheer Hadraawi, ma ahan mid lagu soo koobi karo bog iyo dhawr bog toona, balse haddii aan isku dayno in aan wax yar ka soo qaadanno ..

Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) waa hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood.

Maansadiisu waa Dawan, Baaq, Hodan, Xigmad, Murti iyo Qaylo dhaan xilligan argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo.

Wuxuu ugu hiilliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo, Wuxuu Hadraawi la jaal yahay dadka maxaysatada ah, kuwa aan marnaba ka tegin hiddahooda iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka Diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada. Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba, dhaca, yasa, xaqira, dadka is waynaysiiya, dhaqankooda tuura, muslimnnimadooda ka taga.

Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu saameeyo ummadda, waa ilayska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa hareeyo, waa mid ka talisa aayaha ummadda Soomaaliyeed, waa kala hagga ummadda Soomaaliyeed, xag kasta oo laga eego, hadday tahay 2 jacayl lagu kala furdaaminayo, 2 dagaal lagu kala dhaqaajinayo, 2 Gar loogu naqayo, 2 wax qaybsanaysa oo loogu kala saami tuurayo, qof wax dulminaya oo loo sheegayo waxa uu qaldayo, dhinnac kasta oo ummaddu ka jilicsantahay hal-abuurnimadiisu way ka soo gashay.

Waxa Hadraawi yahay qarnigan aynu joogno intii aqoontayda ah ninka keliya ee Soomaali u siman oo aan marnaba ka talin in uu hal abuurnimadiisa ku caayo Reer, ku dulmiyo Dad, ku yaso ama xaqiro qof ama dad.

Hadraawi inta aqoontayda ah waa ninka keliya ee Soomaali soo maray ee aan weli lagu arag isagoo qof ama dad ku maagaya maanso ama gabay, marka laga reebo keligi taliyihii Maxamed Siyaad Barre, Hadraawi waa ninka keliya ee abwaannimadiisa loogu saxiixayo in uu yahay Waddani, waa ninka keliya ee suugaantiisa aan laga helin iin ama qallooc, waa ninka keliya ee la oran karo waa Abwaan, Hal abuur, Suugaan yahan ah,

Hadraawi waa nin Illaahay Hibo u siiyey hal-abuurnimada & abwaanimada, Magaca Hadraawi wuxuu kula baxay, isagoo aad u yar oo Cadan Malcaamad ku dhiganaya, ayaa macalinkiisii oo Nin Carab ahaa wuxuu arkay isagoo carruurtii Qur'aanka dhiganaysay jeediyey oo Sheeko carruureed uu miyiga ku soo bartay uga sheekaynaya, caruurtaas oo carabta ku dhalatay xiisaynaysana sheeko carruureedda, ayaa macalinkii maalin maalmaha ka mid ah wuxuu isi soo daba taagay Hadraawi oo carruurtii laga doonayey in ay wax aqriyaan sheeko carruureed dabada u haya. Macalinkiisii ayaa inta uu dhenged dabada u qabtay ku yiri (innamaa Anta Hadrun) Intaas oo carabiya macnaheeduna yahay waxaad tahay mid hadal badan.

55 Maanso Hadraawi Halkan ka sii aqriso in yar oo ka mid ah Maansooyinka Abwaan Hadraawi Kor u noqo