Jooji Warankaaga - 13 Jan 2011 |
Maansadan Jooji Warankaaga o soo baxday 13 Jan 2011 way iska muuqataa, waxayna ahayd: Walaalkey wadaadow waxaan, waayahaan dhacaya, iyadaaba is wada waali oo, Weera loo tolaye, weriyiyo Waraaq loo qoriyo, weeye sugi meehe, ibliis baa hoggaanka u wadoo, wada walwaalaahe, haddii adan wejiyo-badan geleyn, Talada wayddeeda, shaarkaagu weli waa nadiif, Waabay kuma taale, ka wareegso wiil toosiyiyo, Waano ma rabaane!. Wadaaddada Wiglada dheelayee, waabanaya Diinta, ee raba Wasiir inu noqdiyo, Wabarka soomaali, iyo Wananka kii ruuqayee, Waayo badan joogey, ee Walimmadii inay socee, weligi moodaayey, ee waayadan loo wakalay, kuwo wareemaaya, ee caradu waandeedisee, Waran la haadaaya, ee waa baryaba uun ilaah, waraya maydkooda, haddii adan wejiyo-badan geleyn, Talada wayddeeda, shaarkaagu weli waa nadiif, Waabay kuma taale, ka wareegso wiil toosiyiyo, Waano ma rabaane.! Intaasoo Wadaad sheegatiyo, kuwo walaalaysta, mid walbaa Daliil buu wataa, Waran u raacaaye, oo aniga weeyuu yiraa, ruux wanaagsaniye, inta kalena Wayl jahannamaa, Weel u noqonaahe, haddii adan wejiyo-badan geleyn, Talada weyddeeda, shaarkaagu weli waa nadiif, Waabay kuma taale, ka wareegso Wiil toosiyiyo, Waano ma rabaane!. Wadaadyohow haddaan kuu warramo, Wehata noo gaara, bahda reer wariir een adiyo, ani walaashayno, inan Waran la boodnaan Wallee, Warar ku haayaahe, dunidaan walaaqmaysa ee, Waarid laga diiday, holaciyo Wiglada booddo ee, lala wareegaayo, haddii adan Wuquud ugu shubayn, sii wilaanwiliya, werdigaaga kaashoo walaal, jooji Warankaaga. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.