Xigaalow ku raadshay, 28-11-2015
Maansada "Xigaalow" oo soo baxday 28-11-2015, waxan walaalkey oon is iri malaha wuxuu kaaga xanaaqsanyahay Arrinkii ahaa aan Alle kabaqno, ku xusuusinayey inaanan nin uu u xanaaqo ahayn, oon shalay markuu yaraa baahidiisa ka welweli jirey, waxan hayana aanan ka hagran jirin, in kastoo ay waxan siinayey ahaayeen wax uu xaq iigu lahaa ee uusan iga baryeyn, sideedana in la Manno sheegtaa ay xaaraan tahay, ayaan haddana ku qasbanaaday, laga yaabee inay xal noqotee, in aan tagtadaydii wax un ka xusuusiyo, sidaan waalidkeen tabartey u dhawri jirey oo xataa intaan dadaal is lahaa nalaga dhex bixiyey, oo aan aqalkiisii ugu yaraan maanso uga qayb qaatay, sidoo kalena isagoo sharci iyo dal weyn jooga anna aanan dalkeygiina joogin, kuu joogana joogine dhulya Ceel-kaa-dheer joogo, oo aan Qaxooti ahay, ayaan dhib Gurigiisii ka haysta maqlay Alle u baryey inuu u gargaaro.  waa tan maansadu:

Xigaalow ku raadshoo haddana, xiiqay daal badane
ma anaan xigtiyo kuu ahayn, ehel xigaalkaaya
ma xumaan an kaa galay ayaa, xabadka kuu taalla -----
oo xan an warkeed haynin buu, xuudi iga sheegay 
mise xarafka diintaan dhigayn,  Rixin xiriirkiisa ?

xiriirnoo xigaal baan ahayn,  Xiima ka horoowe
Xayyi baan ka baqayaa xaliim,  iyo xisaabtiisa
maad igu xumaysood walaal,  gooyey Xariggeenni?

manna sheegad xaaraanta iyo,  waa Xirfa ibliise   xirda iblise
anigoon xaggaa iyo u wadin,  xulusha shaydaanka
balse inad Xarkaha naga furtiyo,  raba xiriirkeenni
ayan kuu xusuusini waxaad,  xoortay hadalkeede

adigoo saqiiroon Xil iyo,  heli kareyn Xoolo
oon kanada xeebteeda iyo,  joogin xaram toona
markaan idin xiriiraayey een,  xoolo soo dirayey
oon xarraan kulayl xeradi aan,  xusulka duubaayey
oon Xiliya Guri waan rabee,  xiray Albaabkooda
cidda aan u xiiqaayey een,  xumo ka dhawraayey
ee anoo xanuunsanahayana,  isu xilqaamaayey
adigaw horreeyoo Xan iyo,  Xuuki may ahane
miyaanay xitaa taasu ay,  gelin xusuustaada?

intii aan xurmey iyo lahaa,  socod xammayn maayo
xergegiyo god weyn yuu ku dhicin,  xawdka haw dhigine  -- bohol xa
xeradiisa ugu gee waxaad,  heli karee xoolo
ayaa xuud khiyaanoo na dhacay,  anya xabiibkeeye
miyaanay xitaa taasu ay,  gelin xusuustaada?

xil ninkuu dhibay eedi xiri,  xoog horaa yiriye
aabboo xanuunsanahayee,  eebbe xulanaayey 
xilka iyo masuulkuu hayee,  xoolo ka sugaayey
xulka hore adaa ugu ahaa,  xaafaddoo idile
miyaanay xitaa taasu ay,  gelin xusuustaada?

xubbigaan u qabey waalidkey,  xoosh raxmaad badanle
xiisaha an kuu hayo ayaan,  geshay xusuusteeye
oon xulasho kayd iyo u dhigay,  xaal kaloo jiraye
riximkii haddaad xeelin ood,  xoortay hadalkiisa
miyaanay xitaa taasu ay,  gelin xusuustaada?

wax kaleba haddaad xoorto ood,  ubana xaalaynin
mahad xaaji shukridii xareed,  xilo fahmaaydaadi
miyaan gabaygi xarafkiisi uu,  gelin xusuustaada?

aan ereyga xoodaansho oon,  gooyo xarafkiise
rixim baan xigaalsanahayee,  xoolo maan rabine
xaliim baa xamdina igu lahoo,  buuxshay xeradeeye
inkastood xiriirkii jartood,  xididdadow goysey
xaska waan ku jirey haatan iyo,  berigi xiimaade
iimayl xertaan heli kariyo, haatuf xarakeeye
xigashada xigaalkaan watiyo,  xaal xagguu mariye
in xerada culays kuu galaan,  haayey xogaheede
xayyi baan baryee kaa xuree,  xumo dhammaantiiba.



xaasha e walaal, xejiya, xididka, xuddun, xagaldaac, xilsaaraay, xanaf, xajiin, xagxagtaa, xagasho, xaaluf, xasillooni, xishood, xalay, xays, xareed, xamash, xilli yahay barwaaqaa, xuub, xagal, xinne, xuuralcayn, 
qarahaan xageyniniyo wuxuu, xaraash, xambaar, xeer, xilafur, xarragiyo xanuun, xabsi, xawda lagajaray, xalaal, 
geerida xalashaa, 
xabiibkaa markuu kaa tagee, 
qabri kugu xareeyee indhaha, xuuki lagu saaro,

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk