Xaskuliya Qabyaalada, 01-04-2015
Quluubtiinna xala soomalaay, Xaasidnimo daaya,
wax ficiin idiin xaytay oo, idin xakaareeyey,
oo Xoolo sidii aad tihiin, Xero idiin ooday,
Xagardheerna idin geeyey &, Xumaha hoygiisa,
oo Qaxooti Xayraan ka dhigay, Xaaji & Sheekhba,
waa Xasadka idin kala xiriyo, Ximis qabyaaleede,

Haybsoocu Xaaraan baqtiyo, waa Xarko ibliise,
Xabiib & walaal baad tihiin, Xaawo Ubadkeede,
Xigaalo isu qalantaad tihiin, Xaakim suu yiriye,
xaskuliya qabyaalada diloo, xoora cudurkeeda,
Qaaxo & Xanuun weeye ee, xaaqa beladeeda.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk