XaajadiiKU, 5-6-2020 |
xaajadii qabiil haawiyaa, uunka ku xakaarshey, xaajaduuna xaaraanta iyo, qurun xafuuqsaayey, xaajaduu agoon xoogayee, xoolahood cunayey, xaajaduu xishoodkii tegee, dulum u xuub siibtay, xaajadey odayo tuugo ahi, xarig u soohaysey, xaajadii qabyaaliiste iyo, Ey u xarakeeyey, xaajadii miskiin lagu dulmee, xoogga lagu haystey, xaajadaasi sh c/welow, sow ma xallin waayin? xaajadii jareer lagu xantaye, xuubka lagu siibay, xaajdii nijaaz lagu xardhaye, xaaji lagu liiday, xaajadii nin xooggiisa cuna, lagu xakaaraayey. xaajadii isbaariisteyaal, lagu xurmeynaayey, xaajdii xiqdiga loo bogee, xasadku dhaanteeyey, xaajadii xariir lagu nacee, xaako laga doortay, xaajaduu iskuuleenna weyn, xaasid maamulayey, xaajadii xakiim lagu karhee, caalle lagu xoomay, caajadii cilmiga diidday ee, jaahil xallinaayey, xaajadii xiskii laga tegee, maanku xarakoobay, xaajadii caqligu xaarmay ee, xoolo la ahaaday, xaajadii dhirtii uu xorruhu, hoosta ka xorsheeyey, xaajadii dhuxusha lagu gubee, geedo lagu xaaqay, xaajadii dhulkeennii samaa, xaaluf laga yeelay, xaajadii xuseen iyo macow, kala xayeysiisay, xaajadii cabdow lagu ximee, Xaali la ammaanay, xaajadii ximaar iyo cabdow, ay dhashay xubeero, xaajadii ximaar nuujisee, xoortay macowgiina, xaajadii xumaan caawisee, tuugo u xadreysay, gabdhaha = xalan, xaddiya, xulan, xaadsa, xaali, xalwo, xamaro, xareedo, xiddo, xabiiba, ximbilo, xirsiyo, xukun, xurriya, --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.