Walbahaar ma qabo, Ahi abdi Farah Sujuud 26-08-2020
Labagaray mid waran kuu sitoo, jecel wadkaagiiye,
Dhiig inaan wadaagniyo kuwaan, wehelka moodaayay,
Ee waanadeydii dhibsaday, ina wadeeceeyey,
Ee yiri sidaas baa ku wacan, helay warkoodiiye,
Qaar baan is weydiin maxaa, helay walaalkiine,
Kuwo uurka waabay ku sida, ima walaacshaane,
Mana rabo inaan sii wadwado, oo warkood sido e,

Inta wehelka ii muujisoo, jecel wanaageyga,
Wadar guud intaan iga warhayn, ama i weysoo dhan,
Somalidaan walaalaha ahayn, iyo wadaa hoose,
Salaan baan waadaa oo qalbigu, waasac uu yahaye,
La i waa wixii jirana qaar, waa war moog yahaye,
aan idiin waramo waati aad, iga walaacdeene,

Wadku iima iman oo wadnuhu, waa wig leeyahaye,
Walaal, waalid, xaas iga welwela, walad caruuroo dhan,
Saaxiibo igu weyn intaan, ahal wadaagnaaba,
Inaan idinku weynahay ayaa, lay waramayaaye,
Wardoonkiina waan helay in badan, kalase weynaaye,
Qaar aanan weligey arkina, ii werdinayeene,
Qaar welwelaya waddan kalana jira, oon war badan haynin,
Qaar talo wanaag iyo wax sheeg, igula weegaaran,
Weedheyda mar inay maqlaan, qaar u weyraxaya,
Laabtaan ka weheshaday intaad, iga walaacdeene,

Hadii aan wadaco dunida oo layga wado maanta,
inta iga walaacaysa iyo, qaar ku wiirsadaba,
wuxuu qoray Allaha waaxidkaa, waa la marayaaye,
Walbahaar ma qabo oo allaan, weheshanaayaaye,
Wabax baan ka ahay diinta iyo, waayaha aduune,
Taariikhdu waxay werisay baan, helay warkeediye,
Intaan waayo joogana ku filan, waano la'isiine,

Wed haduu na daayoon dunida, Wadar ku noolaano,
Insha-Allaahu wixii jira anaa, idin waraabsiine,
wixii Waaxid qoray iyo waqtigu, waa ku soo mariye,
ha welwelina waagii baryaa, waa war kuu side e,
ha welwelina weligeed dunidu, Waafi ma ahayne,
ha welwelina waxa yaal middaan, waari mahayaane,
ha welwelina adoo weli rabaa, layska wedayaaye,

Waax kaneeco kama weyna tani, oo xadiis weriye,
hadii ay wax tahay gaal wacala, kama waraabeene,
ha welwelina waan wacanohoo, waan werdinayaaye,
ha welwelina Qur'aankaan waqtiga, weheshanayaaye,
ha welwelina Rabbi ima waddacin, oo ma wiiqaniye,
ha welwelina waqi ruux ma jiro, ay u wacantahaye,
ha welwelina waayaha dhibka leh, Waasac baa xiga e,

GABAYGII HA WELWELINA
(By sujuud, waa fariin uu caalam kale idin kaga soo diray, waxaana idiin soo gudbiyay qof ka wakiil ah)
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk