Wahab jacaylkiin (Awxaadhe), 24-11-2005

Iyada oo la hubo in ay jiraan dad ila mid ah ayaan anigu si gaar ah ku ahay in aan u murugoodo asaxaabta & saaxiibbada aan kala fogaanno, taas oo aad ka garan kartid maansada WAHAB JACAYL oo xusuusta awgeed ay tahay maansada ugu adag maansooyinkayga waxan kaga hadlayaa asaxaabteydii Jabuuti oo aan 13 sano wada noolayn, Allow annagoon mar kale nabad & baraare siku arag ha i dilin.
 

Haddii aan yar taabto magacyada asaxaabtaydii ee maansadan ku jira waa:

1- Muxummed Awxaadhe oo ahaa nin gabayaa ah oo aan afarrayda isu dirdiri jirnay. 2- Axmed Yuusuf (Axmed Waraabe) aniguse leeyahay Axmed Weli oo ahaa nin Dawaarle ahaa, ina baray dhar tolista. 3- Axmad Adan Cige oo ahaa sxbky ila shaqaynayey.. 4- Ibraahim Harikow oo ahaa ganacsade, lahaana xarun weyn ee taayarrada lagu dayac tiro. 5- Maxamed Aadammo oo ka shaqeyn jiray Taayarlahaas, lahaana emailka aan gabayga ku dirayey. 6- Jamaal Shamax oo ahaa nin ganacsade Maqaaxiyadeeda. 7- Faysal oo maqaayadda Jamaal ka shaqeynayey. 8- Abwaan Axmed Siciid (Af-Guriye) oo gabayaa ahaa. 9- Sh. Jimcaale Ibraahim oo ahaa Sheekh diinta fidiya.

Asaxaabtedydii aan maansadan ku jirin oo aad u fara badan waxa ka mid ahaa:

11- Sh. C/Laahi Cali Geelle oo ka mid ahaa culummada waaweyn ee soomaaliyeed. 12- Sh. C/Kariim oo aynaan kala maqnaan jirin. 13- Axmed Cusmaani oo lahaa Dawaarkii Telefoonkayga ka soo hor jeeday. 14- Cabdalla Cali oo Dawaarkaas ka shaqeynayey. 15- C/Casiis oo ahaa nin oday ah oo isla Dawaarkaas joogi jirey. 16- Sh. Caziiz oo ahaa wadaad isna dawaarka ka shaqeynayey. 17- & C-Caziiz yare oo isna isladawaarka ka shaqeynayey.

Sidoo kale dumarkii aanan weligey illoobi doonin ee Qaadka ku iibin jirey hortayda waxa ka mid ahaa:

18- Qaali Yuusuf Wacays. 19- Cosob Jaamac Yoonis. 20- Maryan Cabdi Nuur. 21- Safiyo Carabeeto. 22- Xusni. 23- Malyuun. 24- Dayibo. 25- Ilhaan. 26. Faaduma Orommo. 26- & kuwo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxan magacyadaas raacinayaa saaxiibbadaydii qaaliga ahaa ee geeriyoodey ilaahay raxmaddiisii Janno ha ka waraabiyee Sh. Cabdillaahi Suubbane oo ahaa Sheekh Tafiisiirka Qur'aanka ka aqrin jirey Masjid Xamuudi, oo aan maqlay in intii aan Jabuuti ka soo maqnaa uu u soo gurmaday ummadda walaalihiisa ee soomaaliyeed, kaddibna baabuurkii uu la socday shil kula galay soone Jowhar & Ibraahim Aadan Abtidoon oo ahaa Nin Ciise ah oo sxb & Jaar meheradeedba ahayn oo markii aan Jabuuti ka soo tegayey agaheeda ilaahay oofsaday. Aqristow dhammaan magacyadaas aan kor ku soo sheegay & kuwo kale oo badani ilaahay dembigooda ha dhaafee waxa ay ahaayeen asaxaabtayda, garabkayga, walaalahayga & weliba ehelkayga. Sidoo kale dhammaan ummadda reer Jabuuti qof-qof aanan aqoon mooyaane waa dad wada dahab ah oo aan la heli karin wanaaggooda, runtiina soomaali oo dhami waa sidaas oo kalee qabiilka & Qabyaaladda isku qasan ayaa qayrkood ka reebay, allow yaa qabyaaladda iiga reeba, waxay ii noqon lahayd jannadii firdawsoo Janno kale lagu daray (Janno Janno ku sugo). Raalli ahaada haddii aan qoraalkan sii wado bad kale ayuu i gelinayaa oo waxan ka baqayaa in uu qalbigaygu dib ugu dhoofo waayo-hore, kaddibna uu miyirkaygu dibba u soo laaban waayo, markaa dhawr magaalo oon farriimo ka diray waxa ka mid ahaa Xamarcadde & Warshubo, maansadiina waa tan: Awxaadhe Taxiyyaan wadaa, Diintu waajibiday, marka xiga War aan kuu sidaan, wiqiyadaynaahe, dad Walaala oys weheshadoo, Weelna ku casheeya, oo Waalidkood aabbe &, Hooyo walambayso, umbay kala wadaan Waayahoy, kala wareejaane, Anigiyo adoo Waynahey, Waaxid qiranayna, oo weli Walaal sii ahoon, Magac wadaagayno, oo aan Wadaag dhaafnay oon, Weli u sii guurnay, Waqtigaa na kala weecshey oo, noo Wacaal tiraye, balse Weelka dhiiggiyo Wadnaha, kala waraynaaya, & xididka Weysada ayaad, iigu weyntahaye, halkii aan Warshubo Waa' horeba, kaa waraysanayey, oon Xamarta weyn Hawlwadaag, Taarka ku wareershey, waadigaan i werin oon Wadiyo, Canug i waydiine, Wax kastoon Walaal doonayoo, aan ka wadey Eedo, ka wareegtay oo Wowga rogay, Wiilka maansada e, Awxaadhe Wabar & Ugaas, taniya Wuufuule, inta uu Wareer haysto ee, Weerar lagu haayo, iyo kuwa Walaac uga qaxee, Cadow ku wiirsaayo, Wedka & wax dheefkaan Walaal, nahay wadaagsimo e, balse Weedha hoos baan u geli, Baabka igu wayne, Axmed kii waraabuhu necbaa, Wayl markuu cunayo, oo Weli ilaahay jeclaa, Wow markuu dhigayo, ina yuusuf Waagii beryaba, waan xusuusnahaye, Axmed Aadan gaarsii Warkay, & Waraaqdayda, Harikowna waa gaar markii, Warac la soo qaado, oon weligi Xaqa-naas wareyn, Waa'na lagu sheegin, iyo Aadammoo loo Wan qalay, baan wakiishadaye, Wabarkeygi Shamax ee wacnaa, & wanaag Faysal, iyo ina Siciidkii Wadnaha, Waax dhan uga yaalley, Ramadaanka Weynaha Allee, Diintu waajibiday, Shanta & waqtigu haaf markuu, Wiishku ugu yeero, Riwaayado codkiisii wadaan, Dhego u weelaaye, markaabey farxadi ii waddaa, Waa' an garanaahe, anigoo waddada raacay oo, miyir walaamboobay, Sheekh Jimcaale baa wiriqiyoo, weedhi soo jara e, uma aan kaceen Wayso iyo, Walimmo mooyaane, intii aan wersheen Waafinnimo, walac ka soo siiyey, iyo qaar Waraaqda an ku ool, oon ka waabsanayo, waa Garabki aan weheshadoon, Waayo kaashadaye, adigoo War iga siini oo, ii warrami Xaadhe, i waraabi Oon bay wadiyo, Wahab jacaylkiine. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk