Talalkey ka yeersheen saqiir (Tiirka wada geeya), 3-3-2019 |
Tahlukada qabiil nagu dhigee, Tacaddigiisiiya, Talalkey ka yeershaan saqiir, Tuugo reer hebeli, Tol ku sheeg ayaa caawiyoo, taagan dabadooda, oo dulum ku taageerayoo, Turuf u soo daayi, ee toban qofaa gebi ka adag, Tuugadoo idile, Allow yaa qabiiliiste tuma, oo Tarbiya siiya, hadduu taasi diidona markaa, Tiirka wada geeya, oon ruux ka tegin oday ku sheeg, dhiig ka taajiraya, oon Qaranba taagnaan kareyn, Talo intuu haayo, Nabadoon ku sheeg Tuur cadoo, Taladi hoogtaana, inta uu Tubaal nugu shidoo, qaxa na tooreeyo, muxuu qooman tulud geel lahayn, tooggi shalaytoole, oo xoogga naga taag darraa, nagana taahaayey, iyo Dal an awowgeenba tegin, Tuugsi nugu geeyey, oday Tuuga oo aan raxmada, loogu tirin waana, laabta, tuute ugu deeqay oo ibliis u taliyoo ajnabi, tabo u yeeraayo, ummaddoo Tanaadoo nimcadu, tuurantahay meesha, muxuu Tanag ku yeershoo colaad, Taarka uga baaqay, oo kala takooroo dakane, tubay degaankooda, dhigay turaabtooda, oo uu turaabtood ku diray, taga jecleysiiyey, oo miskiinka Tooraha qaxaa, Boorka ka talluunshey, uu badaha Tawtaw leh iyo, Taylan ka tallaabshay, Bulshays taakulaynaysa oo, isu tallaabaysa, Tobonnaan isbaariyo intuu, Taako ku ogaado, oo kala takooroo harkii, Tobanba meel geeyey, muxuu u kala tebiyoo Cuqdado, Tiiha ku abuuray, sida dheri taqaynaaya oo, badarka tuuraaya, isagoo is tooxaaya oo, Tabiska daadaaya, oo billaah tallaahida hayoo, dhaarta tirinaaya, kuwo uu tijaabshoo caqliga, Tenega uu eegay, Hoobiyaha muxuu tuura yiri, toogta ehelkiinna. Tobonaan kun dayrood hortood, Tiro la soo dhaafay, Reer Tuugo reer Tooshle iyo, reer utumo Tooko, odayaal tegoo uu aboor, Tiifka ka ahaaday, magacyadooda muxuu belo Tahluukaahi uu, taagay calankooda, marada noo taagay, Qayrkeen halkaa uu tarmee, Tiro siyaadaayo, dayaxaana uu tegahayee, Taar ka soo dirayo, colaado ay nugu dabo tiraan, Taaha & Reenka, ---- Toban sano kuwaan gaarin &, kuwa Tagooggiisa, ku tallaal Qabyaaliyo is dila, tebiya Haybsooca, Tuurtaa is jebiyoo dhamaan, tooba reer hebelna, Taws & Dakane nooga dhimay, keenni tegayaahe, Tarankeen muxuu gooyey oo, taagay faraceenna, halka oday talyaanigu dadkiis, horumar tiigsiiyo, oo dawo u taal uga dhimaa, Tiisa markay gaarto, odaygaa Tolkeen sheegan iyo, Taliye soomaali, is khilaafka iyo kala tag iyo, Tawsta & Taaha, reenka Tusbax go'ay tolkiisii ka yeel, iyo tagoog beele, turunturroodaane, odaygan tuulkahe, Tafaraaruq noogaga teg iyo, toban kunoo kooxo, oo miduba toogtoo mid kale, maydku tiro beelo, Tawaabkey ayaan tuugi oon, Tawba oranaaye, inkastoy Dunuub teenna ahi, taako noqonayso, oo uu Daliil toosa ina, tusay afeeftiisa, Raxmaddiisa aan Tiro lahayn, baan ku tashanaahe, iyo Xarafka Tawbiyo Dah baan, tiigsanahayaaye, Tawaabow Raxiimow allow, Tiisu soconayso, inkastoy tolkey diidayaan, Talada aan siiyo, oo ibliisku taakaynayoo, tuurta uga joogo, adaan Gacanta kuu taagan oo, Taa-ib baan ahaye, Tolkeygaasi Soomaalidaa, ee Talada waayey, Naxariista tii ugu badnayd, laabta ugu tuure, tafahana qabyaalada ka jebi, tufula haybsooce,' ilaahow isbaarada u taal, turuska shaydaanka, \\ tarabtarab markuu noo qubee, nugu taraaraayo, maydku tiro beelo, dhaawacna la tiiriyo sidii, Taallo laga guuray, sanam leeyy oo toosan hooyadi nmacaan, Dawo u tuugsaydo, o 7 canjeelo, tuugis ugu keento, --, deris u tuugsaydo. o dhaawac canjeelo u soo tuugsanee, toosan hooyadina, oo haraagu taywan iyo taylan, taylan sii qaxayo, tawaawaca tiiraanyadiyo, tawsta ehelkiisa, 7 dolar in loo tuuro buu, taasi dhaafsaniye, sida qodaxda tiinkiyo cadaad, mudaya toolkeenna, duul isbaaro tuunshoo bulshada, cunaha toobaaya, toogaaya, tuutaha u soo qaadanaa, tubaha goyntooda, --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.