Saynabo Cusmaan, 29-1-2021 |
Soomalaidiyo reer adeer, & samaan doone, akhbaar baan idiinkaga sidaa sabo malaysaade, ila saara yabardan arkiyo, suruca hawshiisa. haddaydanaan ka soo gaarin ood, bahalka soo qabanin, waalidkiinnii saynabo cusmaan, samo ku joogjoogtey, bahal soo madow subaxdi oo, galabti soo laabta, oo reerki ku siyaaday baa, suluf abaareeyey, Zarc & wixii guriga yiil, & sharaab soocan, calooshaa siddada weyn markii, sabada loo buuxsho, suugiyo wuxuu sii hinjaa, subag canjeelaade, ma sarriigto sibir weeye waxa uu laqaa, sun & dhuunkaale, 3 subaxle siday dhaanisey, sare u joogtaaye, jikadey u surantahay sidii, geed ka soo baxaye, suuqii bakaaraha siday, safar u qaadayso, 30 kunoo canjeelay dubtaa, subaxya laylkiise, may seexatoo jiifki way, kala socdaaleene, Muslim saxan haddii aad tihiin, sidan ka soo gaara. oo.. sidan ha loo dhaamo haddii aydnaan soo gaarinoo, samabaxeed raadin, intay suuxdo sarajoog.. wuxu yiri.. haddii aad markay suuxdo ee, sirirto yaabaysid, sarajoogga ka faniin sugee, soona kala yaaci, saacaan ayaad fursad.. saakaad ka gaartaane yey, guushu idin seegin, intuu been sidii wax u naxaa, diido safarkeeda, iska daa sidaan waa dhib iyo, dhano silloonaane, samirkey u dhalatiyo kartida, saatir ku abuuray, sababtood markay saan dhib ma leh, dibinta soo dhaafto, --- awal baysan sidrigiyo ka jirin, sulubigiisaase, oo uusan sidrigiyo ka oran, laabta sabadeede, sabada laabtaahe, waa kii la soo booda uun, saakaan soo bixida, halhaleel u soo dhoofa oo, 10 bas soo raaca, sulufkiyo (silic) wejigeeda waxay daal la sirirayso, saatir baan ku dhaartee inaad, nixi sifaatkeeda, idiin digey haddaad samawadiyo, sabo tihiin roone, bashiir samale mooyiyo anigan, dhigan safaatkaane, wiilashu saf adak weeye &, geed saleemaca e, boliis soo wacdaa ama adigu, seef la oroddaaba, war gabdhow saynabo hooyadiin, sidan ka soo gaara, sidan u soo dhaama, oo bahalkan soortiyo ka jaray, quudki saraciisa.. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.