Sare is geyntiisa, 22-06-2023 |
Safiih faanka Saawira-caqliga, isla samaantiisa, Faras Samada heehaabayiyo, Sogobyo fuulkiisu, ee Uunka Saatirkeen yasiye, Sare is geyntiisu, Waxa loogu sababay ahayd, ina Siyaadkiiye, inkastoon cid Subag dhaansatiyo, Samo la sheegaynin, oy Seeftu wada leeftay gebi, Geyigi Soomaali, Hadduu Sagal u soo weecda &, Doolar suganaayey, Saancadkiyo kuwii uu yasee, Si yar u eegaayey, ee Midgaan Sagaaraysta &, Sufo ku sheegaayey, Goortey socdaaleene qaxa, Sulufku waydaamay, Shisheeyahan safane Suuqyadii, Xamar la soo dhoobay, Qaraxyiyo Surgooyadan idlayn, Shicibki Soomaali, Ciqaabahan silloon ee Bambada, Sebi la duulaayo, oo ina salaafani dhamaan, Subaxa maantaana, Ninkii Holac siraadaayey ee, Belo saraadaayey, ee wixii Samaan yaalley &, Qaranki soo ruugay, ee Xaqa sumaynaayey ee, Dulum salaamaayey, Seefuhu kuway leefayaan, Sow uma horreeyo? --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.