Safiyaay haddaad Xaajiga, 15-12-2005
Safiyaay haddaad xaajigaan, Samo u diidayso,
oo aad Xuseen saacidee, subaxa aan joogno,
waa yaab siyaara u yimoo, nugu siyaadaahe,
isagaaba Subag laga cabaa, sararihiisaaye,
oo aad sabeetuu dhalaa, sixin ka miireehe,
ood saadambena sii gadee, waa si loo bogaye,
ood sawtka kaga nabadgelee, sida islaamkiiye,
bal muxuu Xuseen kuu sidaa, cayrkan surucyaale ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk