Sacdiya Jinsi Jendar, 29-11-2022
Sacdiyaay Jinsi
Jinsigiyo Jendarkey Sacdiyo, selel ku qaadayso,
ee ay tiri Sandullaanku gelin, Sabada Soomaali,
Soomaali Sanka baan ka gelin, Seeto
sida Faraski baan Seello iyo, Salabka saaraana,
saani (aqoon) baysan Soomaali(daan) &, seed u garanayne,
baarlamaan haddii ay sanuud,silicasiinayso,
gumeysigii kuwii saaraybaa, saani kuu sugaya,
Baarlamaanka soomaali ee, saaka kula jooga,
sandareer iyo haddaadsanuud, silica siinayso,
haddii aad ku Sandullayso ee, mariso soolkaaga,
surun ugu gashaa ama , Soor ku bixisaaba,
waxa uun ku sugi oo ku sugi, sebiga soomaali, 
waa gumaysi kuwii soofiyee, 


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk