Raxmaanow ilaahow, 27-10-2021 |
Raxmaanow ilaahow Raxiim, Raasiq baad tahaye, Qabyaalaa Ragaas naga dhigtiyo, Duul Rajo lahayne, ilaa & Rasuulkeeni bay, qixini Reerkeene , Cadawgood dad uu raadsho oo, Faras ku raacdeeyo, oo Rubad ka goyntooda &, rabo halaaggooda, iyaguna is ruubiya amley, ruugaggaan nahaye, Duul uu Libaax ruugo oo, raamsadaan nahaye, oo Rafaat ku raagoo Gu'yaal, roorayaan nahaye, oo runtana Dacar loo marshoo, Been rabaan nahaye, Duul diinti raandeeyey oo, riijiyaan nahaye, oo diiday Ruum & Ancaam, raaca Nabigiinna, oo qodob riddaa doortay oo, Ruusha baan nahaye, Ra'yigoodu daduu liito ee, Rubac ka hooseeyo, oo Ri' qura u geeryoonya meel, Roob ku yara hooray, oo raseeya maydkooda oo, riiqda baan nahaye, daduu Riibi daba taaganyoo, ruuqo Zaracooda, oo Raran abaareedya dhigay, Raydab laga guuray, oo Rabash u nool oo gacmaha, raaracaan nahaye, isku raran halkeediyo sidii, timihi Raamoole, Ruufiyaanya jaajuus daduu, Raarka uga buuxo, iyaguna israadsaaya oo, raafayaan nahaye, Suuqyada Rag laga gubahayoo, Xaasid ka rarmaayo, oon Riziqa loo quurin &, Roob u soo da'aba, iyaguna is Rubad gooyi oo, ruuqayaan nahaye, Quraceenni Rugumbaaygi &, Gebi Rummaankeeni, Duul Dhuxul u raafaan nahoo, Raydabkii shidaye, Ra'sul-Khayma ugu soo beddelo, dhawr Riyaal qurahe, ugaartii Dalxiis loo rabiyo, Ribixa faa'iido Rukun looga yeel Rayfal &, belo Rasaaseede, Keenyiya Ruwaandey galeen, Ricirahoodaase, Dad xumaan rakaatoo xigaal, Raafaf jebinaaya, oo Reerka hooyada gumaad, ugu rucleynaaya, oo Habaar ku raagoo inkaar, loo ridaan nahaye, Danaystiyo Rajiim xumi dad uu, reebay baan nahaye, oo u raran Shisheeyiyo Jin kale, una rukuucaaya, oo walaalo ruuggaas jaroo, Raasiyaan nahaye, Daduu reer cunsuri & Ragaad, Ruufiyaan dhibayo, oo ibliis rafiiqood yahoo, Raafka uga joogo, --- oo Raran gumaysiyo kulayl, ruubta baan nahaye, Rajo & waxaan nahay Agoon, Ruuxu baxayaaye, oon Reer u hiilshiyo lahayn, Qoom u raaraca e, --- iyaguna is reeboo facood, isu rigeeyaane, * Dad Ribbaad isbayn iyo Riyaad, Rooma agahooda, u rogmada ajnebi & ibliis, una raxleynaaya, oo Riximka Toorrey af badan, Ruubiyaan nahaye, Ayaxii tegyoo Eelna reeb, soo rogaal celiye, rakoocsada e, wixii geedo Raan & lahaa, Rucub caleen weyn leh, intuu ruugay buu qayb kaliya, saa'id raadiniye, Racba-raca diyaaraad rushayn, Raacatada tooda, waxgaradkiina Cadaw raamsanaa, Raamo laga saaray, oo kooda raaya un arkoo, Reebayaan nahaye, Rabiishtaa u murqa weyn walaal, una raxleyn baase, Ratigiyo abeertaa hashiyo, waxa raqdood yaalla, Roketkiyo wixii Baas la dhacay, baan u rogmannaaye, inkastoo Rabiish jiro Qubuur, Garab ka raadsaaya, Rabbiyow in dhihi baa jirtoon, eegin Ruux kalena, oo rumaysan Tawxiidka oo, Raalliyaa badane, Rabbow Cadaw Rasaas nugu ridee, Riishadda un haaya, ee gebi na raafaaya ee, Nabadda rookeeya, Rubaddaasi goy oo u hoy, Raranki naartaada, inagana Ra-uufow intaad, Raalli noo noqoto, ood Roob mahiigaana &, Roone noo di'iso, naga reeb rafaatkoo Allow, Raaxo nagu seexi. Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.