Rafaad weeye Qabaliyo, 15-03-2005 |
Maansadan Ragaad weeye Qabyaaladi, oo soo baxday 15-03-2005, oo aan ku hal qabsanayey wadaad ila dhashoo walaalkey ahoo iiga sheekeeyey dhibaatada & colaadaha ay ku dhex noolyihiin dadka miyigu & weliba cudurro ku cusub oo uu ka mid yahay Cudur ay ROOR u bixiyeenoo geela ku dhaca, oo neefkii oo iska faafimaad qaba mar qura lagu soo boodayee uu iska roorayo ilaa ay naftu ka baxdo, amaba isagoo iska taagan uu joogga ka faniinayo, maansadu waxyaabaha ay ka hadlayso waxa ka mida: - Sidaan ognahay bini'aadamka oo dhamu waa ubadkii Abkow Aadam & Abooto Xaawo oo markay koreen oo guursadeen aqalkii ku fillaan waayey, kdb-na Guryo badan kala degay, oo siduu kii guursadaaba Guri cusub u degayey, sidaas degaankoodii u kala fogaaday ilaa ay Qaarado kala noqdeen, iyadoo xaalku sidaa ahaa bay soomaaliduna tahay hal Qoys oo isku Aabbe & Hooyo ahe gurigii ku filnaan waayey oo iyaga xilligay kala guureen aad u dhawyahay, oo 100 sano & wax la mida laga joogo. Haddaba Qabyaaladda oo macnaheeda dhamu yahay Ehelkaaga Dumarka ah & wixii iyaga la sii ehel ah ragba ha ahaadee iska fogey, taasoo macnaheeda oo koobani yahay, Qabiilka Hooyadaa & Qabiilka ayeydaa, oo aad ifka ugu necbaato, daadinta dhiiggoodana raganimo & dadnimo mooddo, waxase la yaab leh caammo dhegoweyn sidaas haba samaysee inuu sheekhii dhammaa ee qabiilku qabiilkiisa dulmi ku raacayo isagoo daliishanaya Fiqi Tolki kama Janno tago oo gar & gardarro Naartana wuu la gelayaa. Qabyaaladu waa inaad Dadkaaga layso, dalkaagana burburiso, kadibna u qaxdo Dadyow Shisheeye & Dal aan abkaa & awowgaa weligiis tegin, oo intay sida xoolihii Xeryo kuu oodaan, ay adiga & eeyahooda isku weel wax idinku siinayaan. Maansadu waxay Somalida ku boorrinaysaa inay iyagu is qixiyaan iska daaye, in laga rabo inay dadyowga kalee dunida soo dhaweeyaan, waayo Dal walba intuu dadkiisu kala nooc yahay buu horumarkiisa & Dhaqaalihiisu ku xiranyahay, oo midnimada ilmo Nabi Aadam buu Allaha Raxmaanka ahi la jiraa, oo Jufo xun oo inkaar qabtaahi meeshay isku kaliyeysato iyadaa is cunta. Ugu dambayn maansadu waxay qofkii waanadaan diida ku leedahay, Odayga doqonka ahe wiilashiisa dagaal qabiil ku laaya, berri markay 2dii beelood heshiiyaan, buu goobaha shaaha lagu cabo, oday faciis ahoo wiilashiisii u joogaan hor fariisan doonaa, isagoo keligiis ahoo, shimbir qoyday u ek. Ragaad weeye Qabaliyo oo soo baxday 15-03-2005 waxay ku timid kdb markuu nin walaalkey ahi ii sheegay inay nin jufo aynu walaalo nahay ah u diideen inuu Berked biyo ah ka qoto degaanka, sidoo kalena ii sheegay inuu ilaahey ku salladay cudur ay u bixiyeen ROOR oo uu neefka Geela ahi iska roorayo ilaa naftu ka baxdo, bil gudaheedna uu 100 neef ka dilay, haddaba waa tan maansadii Ragaad weeye Qabaliyo, 15-03-2005 Soomalaay Runtaa raaxo lahoo, beentu waa ridane, (Warshubaay) Ragaad weeye Qabaliyo xumoo, Raafka kuu gasha e, waa Ruub Jaxiimiyo Kulayl, Raran Cadaabeede, waa tuu Rasuulkeennu yiri, raaximahullaahu, Nin Qabiil u reemee Jirkiyo, Dhiiggu ugu rooro, kuwa Jannada noo raacayiyo, ma aha Reerkeenna, Wuxu taa ku garan Ruuxi raba, Raataxumadeeda, haddii uu Dagaal riiqdo ee, laysku wada ruugo, ood Sheekh Rudduu dhigahayiyo, Ruum & Ancaamta, weydiiso Sheekh Raahibow, yaa Raqdaan sababay, qasab weeye Reerkiisi buu, Libinta raacshaaye, oo Reer kaluu Ceebta iyo, Eed ku rogayaaye, RAAS iska reeba Raadkiisa naca, ruqay Qabiiliiste. Rayfal & haddaad Qori riddood, Ruux ku kala goyso, asii aad Jihaad Raadki iyo, Khayr u ribaneynin, ee ay u soo aar Rag iyo, tahay un Reerkiinna, oo aad Rijaallo u dishood, Raas dhan wada ruugto, iska daa Riyaad faa'iddiyo, Baasto rubaceede, Khasaaraad u sii raabixdood, Naar ku ragaxleyne, Qabiil Raadki gooyoo ka taga, Ruqay Ninkiisiiye. Midnimuu Razaaq caawiyaa, una riyaaqaaye, Kelinnimo Rafaad weeye iyo, Riibi & Hooge, haddii aad Rafiiq diiddo iyo, Qolada kuu raysa, oo aad Walaalkaa Ruqiyo, Ruun la kaliyowdo, idinkays ruqoo Rayfal iyo, Raaf is marisaane, Rasuulkeyga Eebbahay Rilliyo, Raaxo haw sugo e, naca Raad Qabiil oo Rillada, raaca Nabigiinna, Ruuxba Ruux inuu ruubiyee, Rubadda uu gooyo, misna aan Rafaad taaban buu, Raaska geliyaaye, waase saan Rafaadley Adduun, looga Raad barane, Rubaddaad jartiyo Taad Ba'eed, Raalli ka ahaato, waa mid Ruuxa-kaagaa u bixi, lagugu raadshaaye, waa Rastaad adigu falatay iyo, Raranki Naareede, Qabiil Raadki gooyoo ka taga, Ruqay Ninkiisiiye, Masiibada middaad raarataa, kuu Rakaamo ahe, ninkuu Awrka Roorkawga dhacay, ee Raraha jiifa, Qoom aan Habaar loo riddayn, Roor ma uu galo e, Rixinkoo bestiisay adiga, Raaxo kuu tahaye. Somaalida kala raaracdee, kala riddoobaysa, iyagays rajeeyoo Facood, isu rigeeyeene, midka Raaskambooniya midkaa, Reedda kale jooga, Rugta ay ka timid Hooyadood, Raaska cidaheeda, Abtigood u roon Habaryaroo, Ruuxa carafsaysa, Dhab haddaad u sii raadiseed, Jiridda sii raacdo, sida Shabaqa Caaradu rartee, Raadarka ad mooddo, Riir qura inan wada nahaad, riban lahaydeene, haddii aan ku rayneen sidaa, Raalli ku ahaanno, Riixaanya waxan heli lahayn, Raaxo aakhiro e, balse Raacigaan Qabaliyee, maanka ka rajoobay, Abti baad ruqdaa Beerki ood, Dhiiggi ruxataaye, Habaryaro adoo ruugi oo, una ribaynaaya, Ricirahana aad Hooyadaa, Ruugga uga joogto, sidee baad Rilladi Eebbe iyo, Roob ku heli heedhe? Dadow kaan Rasuulkiyo nacayn, Nabadda Ruuggeeda, Raaskiinna keenoo ha dego, rugaha aad joogto, Labo Reer ka soo rara Rulleyl, Shiine & Rooma, qaar kale Ribbaad & Isbayn, Ruush ka soo bariya, + Rug caddaagi Guudliyo ilaa, Raydab & Jeerin, Roombe & hadduu Riigan dhalay, ama Rijaal tuuga, mar hadduu Ragaad kugu ahayn, Reero haw tirinin. Waa taa Ra'daan soo wadooon, soo riddaamiyaye, Waanada haddaad raariddaan, waa sidaan rabaye, balse kii ma rabo taa yiree, riixa Eraygeyga, dhinac kale ayaan ugu rogaa, lagama raystaaye, Cid kastoo Dagaal ruubatee, goysa Rimicooda, mar un bay raboodaan Heshiis, Nabadda Riixdeede, Ri' kastoy ogow Wiilka roon, & Ramiishkaaga, Geeridu markey raamsateed, Raro bannaan joogto, oo labadi Reer uu Heshiis, Roobku ugu hooro, + oo Raage Cali wiilashiis, Ramad la maalaayo, oo Shaaha reeddiisa iyo, biibitada Riibi, aabbahood la raaridahayaan, sheeko lagu raago, Gablan rogatay Garabkaana maran, ciilna kuu rarane, Dhashaadii adaa ruugayoo, raamsatoo cunaye, Ruclihiyo Arooskaad gashee, Rays ka filanaysey, adaa Reefis dib isugu celshiyo, Raad arooryada e, Shimbir Baalki Roob uga da'ee, Rorog jaraynaysa, Raranki Naarna kuu dheeryihiyo, Caro Raxmaankeyga, ninka uu Rafaad keli hayaa, Ruuge waa adiga. Adaa Baalashaadii rifoo, Raasumaal nacaye, dhashaadii adaa raafay oo, Eebo ruubiyaye, adigaa Raxmaan diiday oo, Koofil raadsadaye, racba-raca qaxootiga adaa, raafay Ehelkaaye, Gaandheri Ridaa & adaa, Ruube suubsadaye, + Rug-san nace halkii lagu rifaa, Ribix ka goobaaya, waxa raaya adigaa nacoo, Shuuro raadsadaye, qaxootiga rafaadka leh adaa, Raaxo dhaafsadaye, adoo Madaxa raaricinayoo, sida Rabiishkiiye, oo reerki Soomaaliyeed, shalayto soo ruugay, Raylaha Kukuuydiyo Amxaar, & Ruwaandayska, Ra'iiskoodu Beel kale aduu, kugu rakaataaye, in Facaa ku reedreediyee, kuguna raaxaysto, Gaaweeto Eey laga ridana, kuugu rogo Shuuro, adaa raadsadee Ruuxna muu, iman Rugtaadiiye, Ruux Qabyaalad raadinahayow, Dhiig u ragaxleyni, Rabbiyoo ku roga mooye oo, Ruugga kaa xira e, Ruun Barwaaqo inaad raadsataa, reeban Dhaqankaase, sidii Raxankuwaagii rabbee, Rugan Awoow gaarin, oo midaad ka roonayd u hoyo, diidday Raaxadiye. ------------- waa carada igu raajiyee, ciilka igu raaray, reerkayga soomaaliyeed, oo ribbaday weeye, oo qabyaalo raandaysatoo, reebtay noloshooda, oo rag shalayto tuugsani jirey, hoos u raaracato, ugu rogmato, luquntaa u raarici midkii, shalay ku tuugsaayey, ------ --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.