RAFAAD QABYAALO, 08-09-2022
YR= yeydin yiri raaca?
YR= Yaa ku yiri raadi.

Reedda bari Rastadaa koriyo, Rumaga Mooyaale,
Raaskambooni Reer & intii, Riyu u daaqayso, reedda u shishaysa,
Soomaali ku rafaadsan oo, ruuxu gurayaana,
oo ihaano laga raaracshaan, Rooggan soo dhigiye,

sida Ari Ramaas daaqi &, Rucub cagaar weyn leh,
qabyaalada markaad ruubateen, ood runta u goysey
waxaad xumaanno raacdeen ayaan, soo riddaaminiye,
waxaad xumaanno raacdoo in badan, duunki naga reebay, (soo riddaaminiye/rogrogayaaye)
in yaroon ka soo rogay ayaan, soo ridridayaaye, (rooggan soo dhigiye,soo ridridayaaye)

Rafaadkaan Qabyaalee dadkii, Ruugaggow jaraya, tu'iyey,
inkaar qabe ku rayraynayow, dhiigga u riyaaqe,
inyaroon ka soo reebay baan, raarkan soo dhigiye,
Afar gubatayoo raabuqdoo, reenta keligooda,
oo Hooyadood raamsatoo, ruqi ayeydooda,
bal maxaa ku raacshood Raxmaan, Raaxadi u diidday?

ummad xumo ku raamaysatiyo, rummaga Haybsooca,
oo miduba mid uu roorsanaa/raadsanaa, YR?

Rubbadii Quraan & kuwaa, Raahibnimo sheegtay,
ee Rishwada rakaadkeed rabana, yr?

hadba Qaran wixii riiqayee (raafayee), ruugi calankiisa,
oo Qabyaalo reerkeed dhisaa, yaa ku yiri raadi?

wax miskiinka rubad goynayoo, ruugi noloshiisa,
oo Tuugo madaxow ruxaa, YR?

wax danayste Raaxadi wadee, siini Ribixeenna,
oo rarmaa midkii daacadana, YR?

wax ---, raalli gelinaaya,

waxa qoriga riishadi hayee, raafi shicibkeenna,
oo Qabuurta raarkood na dhigay, YR?

Raxmaankeen wixii nagu diree, Roobki naga joojey,
oo Abaarta/Abaaro nugu riiqayana, YR?

wax Rasuulki naga reebi &, Ruumtiyo Ancaamka,
oo ibliiska reeddiis (raciyadi) na dhigi, YR?

wax xalaashi naga rooriyiyo, Reedda sharafteenna, ---
oo isbaaro Risiqeed na baray, YR?

Ra'sul Khayma Dhuxul loo raree, Xaaluf nugu reebtay,
ee Ribixa laga raadinaa, YR?

wax Qaniisyo rafacee akhlaaq, raarka hoos geliyey,
waa qabyaalo reer ay gashee, YR?

kufsigaa gabdhaha lugu rifee, lugu ruquusaayo,
oo rijaalnimadi hoos u ridey, YR?

Ruwaandiyo waxaa Roombe &, Ruti inoo keenay,
----, YR?

Ciidammada rigaysane Ajnabi, cuni Riyaalkeenna,
--, YR?

wax riseeya maydkeenna oo, nugu rabbaynaaya,
oo Raxmiyo dareen noo lahayn, YR?

Rafaatkaa Tahriibkiyo baddaa, Rooma & Maalta
oo magefe Ra'iiskooda yahay, YR?

Deriskaani na rifaaya ee, Ruuxa naga siibi,
oo diyaara nagu wada rusheyn, YR?

wax baroon ridaayiyo

waxa sidan inoo rifahayee, ina raafaadaaya,
waa Rasaas Tigree soo ridee, YR?
waa Qabyaalo ---, YR?

Rafaadkaan na haystiyo

rati qooqay sidiisii dadkaan, isu ribaynaaya,

rida caanaheedii rag badan, rubadda loo gooyo,

Runta lagama raystee---
wax HAGAASI naga reebayoo---


Rastada, roonaan, isku rugi, rigrigtaa rasaas, riyo, raarka, reedda, rigta hoobiye, Risaala, rorog, riix,
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk