Qoladaysku aqoonsada, 09-01-2019
Hadduu Qawlka eebbahay ku jiro, magac qabiileedku,
Qoladaysku aqoonsadoo, ceebta uga quusa,
waa ha guursan Qumman habaryartaa, barana Qoyskeeda,
oo Eedda Qaaliya ha noqon, Quxub nikaaxsaaya,
ee bal inad Quxuub waalan tahay, ina Qabiiliiste,
ood ruux Qalfoofweyne tahay, qummayana ay qaadday,

bal Qaabkay ku tahay aabbahaa, Qoladi waa Luulka,
dhanka Hooyaduna Qaaxo iyo, Qoray ibliis weeye,
ee Qoorta goo meeshi aad, Qoyska uga jeeddo,
Qiilkeeda keen Qoom dhan buu, dhiiggu qubanaahe? 


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk