Qaran loo hiloobo, 01-03-2020 |
Qaadirow ilaahow, Qabaliyadan hoogtee, Qalalaase mooyee, Qayr kaleeto noo hayn, Quluubteenna ka saar, oo Qoyska Soomaal, Qulubkaan ku raagiyo, Qilaafkiisa dhammey, Dabadeed Qayyuumow, Dhulkan aad ku qaybteed, Qaaradaha ka dejiday, Qaran loo hilooboo, Quruumuhu dalxiisaan, Quruxdiisa ka yeel. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.