Qandho yari inay ii qabayn, qora oraahdayda - 26-10-2021
Iyadoo Quruumaha dunida, nalaga qiimeeyo,
oo aynu qoladaa galbeed, qawlka la wadaagno,
oo aynu qorshahaasi guud, shirar la qaabayno, qaadayno,
war Qabyaalo waa taan Dad &, Qaran ku soo weynay,
waa tii Qaxootiga xun &, Qaxarka noo keentay,

ee anoo Qabiiroo aqaan, Danaha qaaskaahe,
Qabiilooyin lugu kiciyo ee, dhiigga lagu qaado,
Qofkii aan qabyaalada ku iri, qurun uraa weeye,
oo waxay qalee goor walbaba, waa qaraabada e,
ila qayli qallinkaaga uun, qaafka ugu hiilli, ku hikaadi

oo midkaa qabyaaladu dishee, qoray la duulaaya,
dheh qaraabadaadaa ha dilin, jooji qoraygaaga,
iga diiday ila qabo waryaa, qoomkan bahaloobay,
oo waanadaydii qubee, qawlku geli waayey,
oo weliba igu quursadee, qoorta iga taagay,
dharaartey beladi qaadatee, qoorta laga gooyo,
amuu ruux ku qaaliyi go'ee, qoomama la ooyo,
qandho yari inay ii qabayn, qora oraahdayda..
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk