Qabyaalada-dastuurkeed, 06-11-2021
Qabyaalada dastuurkeeda xune, Qaaqda lugu haayo,
ayun baan saddexdiisa Qodob, maanta qorayaaye,
iga qabo bal soomaaliyey, waad ku qarawdaane,

Saddex Qodob ayaa loo dhigaa (qoraa), Qodobbadiisaaye,
Qodobkiisa koowaad wuxuu, dhigi qaraarkiisu,
Qof kastoo Haween loo yaqaan, & Qabiilkeedu,
waa shisheeye ee Qoorta goo, geli Qabuurtooda,
dabadeed qaniimayso oo, qaado shilinkooda,

Qodobkiisa xiga ee labaad, waxa qaraarkiisa, wuxu qoraayaana
Qof kastoo Rag ee ruux dumara, kugu qaraabaysta,
isagiyo qabiilkiisu waa, Qoom shisheeya ahe,
iyagana qaboo qoorta goo, kana qaniimayso,

saddexdiisi qodob kii haraan, soo qaddimayaaye,
labadaasi qodob waxan ahayn, baa qaraabo ahe,
Haddii Naar laguu qorahayee, lugugu qooshaayo, lugu qaloomaayo,
Jahannamada Qoofka leh haddey, kugu qalaadayso, (Qablankeeda qaylada dhacdiyo, qababaxdaa yeeri,)
Qabweyniyo ku garab sii cidday, qali agoontooda,
oo u hiilli qaladkooda iyo, waxay qasaayaanba,

3daasi Qodob iyo Qur'aan, Qaadir hadalkiiya,
hadduu muranku soo qaabbilee, qaylo wada yeerto, ka wayooddo,
dastuurkaa la qaadan oo Qur'aan, waa la qubayaaye,
Quluubtiina geliyoo sidaa, Qoomku ha ogaado.

***********************


dadka qaba waxaan soo qoree, Qadaf haweeneeda,
oo Qodobka saddexaad un baa, kuu qaraabo ahe,
inta kale Qashiin weeye ee, Qoorta wada gooya,
waa duul qafladi haysatee, qora oraahdeyda,

Qawdhan oon Xalaal iyo Xaraam, dumar qalqaashaynin,
oo aan Quraysh Xaawaley, Qawlna la wadaagin,
oon biyihi laga qaadin een, gelin Qaruuraadka,
baa keligi Qoobey dhaliyo, Quulle iyo Qooje,
waa waalli qabaxsaysa iyo, Qabar ibliisaade, hadallo qaansiire,
dadow qaraabo goyskiyo ka taga, qaadir caradiisa,

Qumman hooyo Qoom aysan dhalin, Qaaradaha duunka,
oo aabbe quri uu dhalee, Hooyo u qubaynin,
Quruumihi horeetiyo ma arak, qoomka maanta ahe,
war Qaraabo goyskiyo ka taga, Qaadir caradiisa.


Odayaal ka qaawanoone lahayn, dumar qaraabaysta,
una soo qubayn Hooyo oy, qabanin oo nuujin,
taariikho qoray maanu maqal, Qaaradahaguude,
waana wuxuu qabyaalada dhigaa, Qodobbadeedaase,

abtiriskaas qulqulayee Rag uun, magaci qaabeeyo,
Qiimo raggu dumarka dheeryahaa, duul u qabayaaye,
balse may ahee qayb walbaba,
balse waa aqoonsi qura,

Qiimo dumarka ay dheeryihiin, loogu qabay beene,


Eeddo Qaali ubadkey dhashee, reer Qaloon rogoda,
waa shisheeye ee qoorta goo, kana qaniimayso,
Qumman Habaryartaa

Qod iska dhig Quraysh habaryartii, Qawlka keeda ahe,
hooyadaa qudoo uusan qabin, aabbahaa Qalawle,
ubadkey Qayaad & nin kale, uurka ugu qaadday,
iyagana haddii aan qubnoon, Qoorta u caseynay,
eeddo Qoranoo abtiris aabbe la qaybsayda,
haddii loo qubeeyee iyana, Qoorta laga gooyey,

 Qoom cadaawe ahe,
Qoran, Quman, 



---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk