Qabyaalada-Duqayntiyo taqaan, maati dubashowga - 17-01-2022 |
Qabyaaladan duqayntiyo taqaan, Maati dubashowga, oo Guluf dagaal uun u nool, Dayr iyo Xagaaba, Cilmigaw dambeeyaana yahay, Dhiig un daadanaya, Dagaal ooge aan diirin oo, dila wuxuu doono, oo dadkiyo nirgaha iyo Lo'daba, wada duqaynaaya, oon duul ka daa oran karaa, joogin degelkeenna, Aqoonyahan damaadsane lahayn, Jir u dubaaxaaya, oo Qallin la duulaaya uu, Shilin ku doonaayo, oo Sixir inuu daaray iyo, Dulli u muuqaaya, Odayada duqoobee Cirradu, Deebta u ekaatay, een Caqligu Dagaal iyo ka geyn, reer Dibbira weyne, oo Subixi soo daalacaba, Dirir u soo taagan, Culummadan dakaantee Xaqiyo, Diinti ka irdhowday, kuwo Doolar u ordaaya oo, Xil u dagaalaaya, kuwo Carab dallaalaaya ee, Dabaqyo taagaaya, iyo kaa Tacsida duugta iyo, Wan u dadaalaaya, oo Baruur Daliiqdeedu tahay, Yoolka damaciisa, oo Mayd dul joogiyo Agoon, uuska laga dooxi, dadkaas aan dureershee miduba, Damaci raadsaayo, Danihi goobaayo, Dalkoodoo gubtey daawan iyo, Degel nabaad guure, Dagaalladan ujeedkiyo lahayn, Dano dhammaanaaya, Duulkaasi dhoohane harkii, Belada daawaaya, oo mid uun maansada ku dara, Doodu mar un sheego, mooyee Dadaal kale la hayn, Dhididka loo daadsho, Somaalidan dabooshee indhaha, Daafka laga saaray, oo dheguhu dammaadeen caqlina, Duumo ka haleeshay, Qayrkeed waxaas uu Dalxiis, Dayax ku aadaayo, markuu qaawanaa ee dadkani, Duurka ku hoyaayey, ee Dugaag la noolaan jiree, Quraca daaqaayey, Debinkii qaraabsiga ayey, Dib ugu guurtaaye, ilaahow adaa Daa'imoo, Duulkan iga beeray, oo Dal aan ka aadaa ma jiro, aan ku doorsado e, ee dawgi khayrkey gefeen, tooshka ugu daare, Qabyaaladan dilootee waxgarad, diira laga waayey, Waanadu umay daadegtoo, waa Dix dhagaxeede, markey Diinti diideen adaa, rogay damiirkoode, + Qalbigood adaa daabac iyo, saaray Degob weyne, oo Dabayli meelay gelee, looga deyi maaye, Eebbow Daboolkaas ka qaad, Biyo ma daadshaanka, oo Allow Daboolkaas ka qaad, Hawo ma daayaana, --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.