Qabiiliiste Qawlallaweyne, 26-10-2016 14:33
QawlAAllaweynaa markuu, qalayo reerkiisa,

Qawlallaweynaa, odaga qabiilku,
qabiil kale markuu, qaadayo gartiis,
GIIR ISKA KICI OGAA,  
Qawlallaweynaa, isla qaalisanaa,
GAR AQOON OGAA,

sidii aar libaax qaalin helay, qoorta qabanaaya,
iska kici ogaa giir qarriban, qole kalow gooddi,
agoomaha markay soo qashaan, qolada tiisaana,
yeys qafilay ee inkiray,  


adigays yasaa yuusufow, isi yudaamaahe,
kuma uu yarayn eebbaheen, Yaasir weynuhuye,
hayga raacin yaahuurti aan, waran ku yaacaayey,




hays yaraynin kuma uu yarayn, Eebbe Yaasira e,


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk