Nageeyow, 28-11-2020 |
Naciimiyo Firdawziyo halkuu, joogo Nabigeennu, iyo tani nijaas talisay ee, Nidarku yaacaayo, oo Nacas Dinaar loo nanabay, nugu ugaaraayo, Naaxid labadaba nageeyow ku waar, Nabadda xoolkeede, inu dhibo naftaadiyo bal daa, nooca geerida e, hayskanaxo nacabkaa markuu, noogid kula doono, magacaaga nuunkiyo markaan, deyey nusuustaada, timacaddaa niyaddayda galay, soo nawaawiraye, nin akhbaarti ii sida i yiri, Geesi soo noqoye, madfaciisi niibnaa wakaa, nawda soo guraya, dib dambaanse nageeyow hubsaday, nuurka soo ifaye, hayskanaxo nacabkaa markuu, naazil kula doono, Naafowday goortaan dhahaba, Negidi soomaali, Nin adoo kaluu eebbahey, noo dhambaliyaaye, markaad Nidar tilmaantiyo kuwii, Doogta noo kariyey, armary Nabar la gaaraan ayaan, iri Nageeyoowe, inkastoo Nasiir keliya hayo, saaca naxdintaada, misna inan dadaalnuu na faray, Nuurrow Nabigiiye, adkaartii Nabaalkee ibliis, Cadawa neefaysay, Nahaarkiyo habeenkii ha deyn, Nuunka ka hikaadi. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.