NABSI, 12-05-2015
Naaska tii ku nuujisay illow,  Nafteedii kuu hurtana illow
awgaa u naafowday illow,  nooligeedi loo jaray illow

Ha ii helo nolol tiri illow,  xuquuqdaas nafteedii illow
Naftiis shalay ku naaxisay illow,  naf kaleeto naaxiyoo illow

Naftii aad illowdana ogow,  Naftaaday u oydee ogow
Nafta aad naaxini ogow,  Naftaaday u baas tahay ogow
Nabar baa ku sugayee ogow,   Nabsiguna ma baaqdee ogow

Nuur ma leh adduunyee ogow,  in kastood is naaxiso ogow
naftan inay un kaa bixi ogow,  Qabri baad u nuurine ogow
Aboor inu ka naaxina ogow.

Waxay sugi naftaaduna ogow,  Naanaab adduunyee ogow
aakhirana naartiye ogow.!

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk