Laqwi iyo midkii aan xumaan, 25-07-2018 |
aklr: raggu laqan fariid wuu noqdaa, amase waa liide, anna labada cayn kuma jiree, laan baraan ahaye, dadka sidii libaax dhiidhiyaan, wadar u laayaaye, hadba kaan wada looltannana, way legdahayaaye, laqwi iyo xumaan kuma hadloo, been ma laasimo e, runna waaban kala leexanniyo, qawl lillaahiya e, anoon Leg iyo darib quudanayn, subagna leefaynin, nin ladaadyo qabataan ahoo, laqanyo haysaaye, aamaguul: Labo qalbi ilaahay ma siin, liisks aadane e, laqwi iyo midkaa aan xumaan, beenta laasimine, runna ayba kala leexadaan, qawl lillaahiyaba, wa ahadal mid leeg leegsan oo, waalli loofaraye, axmad khalar ka leexoo midkaa, uga wareeg luuqa, oo lunkuu lumayn iyo u daa, laqanyadiisaana, haddi kale lur baa kaaga iman, ruuxan lallabooday, oo is mooday liimihii ku yiil, lebigi nuur aadan, suujuud: luuqaynta gabaygaaga iyo, ereyadaan leexsan, ujeeddaa ku laran oo anigu, waan ka leexaniye, bal liibaane adigaa lalshee, loodi hadalkaaga, aamaguul: dib ayaan u laabtoon ka deyey, gabayga liishaaman, linkuxuu ku yiil iyo halkuu, axmad ka soo laalay, waa laashin gabay uu tirshoo, ciilku laasimaye, waa luuqdu dhoodaan u qoray, lama illoobaane, laqdabiya lalleemadi jirtiyo, xukunki liishaanka, luggooyadan wixii nugu dhigee, luxudka noo buuxshay, bal inay liciiftoo caqligu, taliyo laabtooda, ayumbuu lidkiyo labada nooc, laamka ula aaday. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.