Maansadaydan JUFADAYDA WEEYAAN, oo soo baxday 15-06-2007, waxay ka jawaabaysey hadal dulmi & eex qabaliyo loola jeedey balse xikmad la iiga dhigayey, taasoo ahayd JIIRTI LA HAYAA JADIIN KAMA QOSLO, waana tan maansadan yare aan wax Fasirid ah u baahnayn:
Jinnigiyo insaankiyo, Jaad walba oo uunka ah, koluu Jiica geed iyo, Jilbis halaqa uu yahay,
waqti Jawhara iyo, Jiilaalka adduun, waxa Jiir la maroo, hadba Jiil la gudbayo,
xilligaan jiro ee, Jarar lay dhaafshoo, Ruuxu weli igu jiro, waxa igu Jaamaca,
inta Jidka tooskiyo, Caddaaladu jirto ee, qof kastaa Jabkiis iyo, loo jarayo xaqiis,
Ninka Jabadkiisiyo, Ciiddiisa joogoo, Calafkiisa jeriyoo, u jarmaadayaan ahay,
Gaalkaan jidkaygiyo, jihadaan ka jiro &, jawigayga xirin &, Soomaali jamaceed, Jin u tahay ayaan ahay !
haddiise la jebiyee, Sharciga la jiiroo, Jilka kaa rooniyo, is-jufaysi ay tahay,
Hadba ruuxa jaban ee, Jaqaaq laga yeershee, loo Jiman buuraan, Jees quraan nahay oo, Jufadayda weeyaan,
balse ruuxa Jawr fala, amaba dhiba jaarkiis, oo wuxu jafaayana, ula jeeddo u falaa,
Hooyadeyon jecelahay, aabbahay Janna gale, ha ahaado jiirtiye, kala jufo ayaan nahay,
Jaliilow Eebbow, Jallaadkaa Qur'aankiyo, Jidkii Nabigeeneed, ku jillaada na tiri,
baan inaan janto oo, ku jihaado rabaa, ee Jidkii raaxiyo, Jannadaadi i gee..
AAMMIIN !!!
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk
|