Jareerweyne Jaarkiis ma dhibo, 23-01-2020 |
maansadan magaceedu yahay Jareerweyne Jaarkiis ma dhibo waxay soo baxday 23-01-2020 kadib markii mid qabiil ila sheegtaahi mid ay Baraha Bulshada ku wada hadlayeen malaha intuu ka af badiyey oo xanaaqay buu qabyaaladdiisii nijaasta ahayd darteed Jareerweyne u caayey, markaa Jawaabahaan siiyey waxa ka mid ahaa in Jareerweyne & dadka kalee la dulmiyo yihiin xulka somalida, sidoo kale in Jareerka ilaahey u nicmeeyey oo meel walba oo ay degganyihiini tahay, hareeraha Webiyada & dhul Barwaaqo iska jiifto, halka annaga Jileeca sheeganaynaahi aan degno dhul dhagax & abaara, oo biyo Roob keliya looga noolyahay, Sidoo kale in Saxaabigii qaaliga ahaa ee Bilaal Binu Rabaax isagoo Jareerweyne ah bay carabtii Qurayshta ahayd ee reer galbeedka xitaa ka faani jirey, markay muslimaan isaga Sayiddii oran jireen macal Khulafadii waaweynayde Abuubakar & Cumar &... dhammaan allaha ka raalli noqdee, sidoo kale haddaan la kala roonaan Roob ma da'ee, markay annagoo walaalahooda xushmad & qaddarin walaalnimo naga waayeen, bay go'aansadeen inay iyagu naga roonaadaan, haddii kale sidaan annagu isu cunno bay qaska & qalalaasaha dhinacooda ka geli lahaayeen. Haddaba maansadan Jareerweyne Jaarkiis madhibo, 23-01-2020 oo aad u koobani waa tan: Afrikadan jikaar daashadee, Jaabo nololeeda, anigoon Jileec gaara oo, joogaba u jeedin, kuwa Jareerka caayaan rabaa, inan jugeeyaaye, Jaajaalayaashaa Jareer, Jaa-ifo u geysan, ayun baan jafaalinahayaa, Jeedal la dhacaaye, --- Jareerweyne Jaarkiis ma dhibo, kamana Jaaq siiyo, Jariimiyo dunuub weyn ma galo, sida Jileeciiye, iimaanka Jugux lagama siin, Jiridda hoostiise, kuma raadsho Jiibtiyo arzaaq, Aake Jilif weyne, Soomaali Jees wuxu ka yahay, Jaalki loo bogaye, Safarrey Jid uma joogsadoo, Shaaric muu jaro e, Jirrinnimada lagamaba yaqaan, Jiidda uu dego e, bal wacnida Jileec sheegto ee, Jilayo yey sheega? Jihadii la eegaba haddii, Jawr la tiri maago, Jundigaasi xamarweyne dega, culummo Jeylaani, Jambaluulya Raxanweyn intii, Guri Jirroon joogta, Barawaanka Jiimkiyo Qur'aan, Jacala loo daayey, Yaxrahaa Hiddaha noo jiree, Alindi noo jeexa, Jaajida jibaaxdee Badweyn, Dheemman noo jerisa, kuwa nabadda jecel een cid dhibin, Jiiddo iyo shiidle, ma dhibaanka jira mooyi iyo, Jabo gabooyaade, iyo jees kaloo anan ku darin, Jundigan mooyaane, Soomaali aan Jaar dhibayn, waa Jareer qurahe, inuu nabad ku jooguu ahaa, Qoys Jamhuuriyo ah, oo duco la jiiftoon Jareer, Jaanis lagu gaarin, Jilib iyo Jamaamiyo dhammaan, Jawhar agaheeda, Jeegaan Barwaaqiyo Dhul uu, Jalawgu fiideeyo, Jaliil wuxuu ku beeraa Janniyo, Webiga jiinkiise, Tin jilcani hadday Barako tahay, Jaaza lagu gaaro, Jufaley qabiil caabbuddada, Faanka la jacoorta, dhagax juuda Jajab iyo halkii, belo ka jiiqlayso, Jaqantida Abaartiyo maxaa, Jeerin ku aruurshay? balan yara jalleecoon Jareer, sheego jagadoode, Ciidda Jaayga bulukeeti iyo, Jiingad iyo looxa, laamayeeri jilay iyo Qusuur, dhidibba Jaajuura, dabaqyada samada jiirayee, midabbo Jaadjaada, ee cirkiyo jawiga xirahayoon, cidi u jeedaynin, Jareer baa dhismaha looga haray, Jiilashii hore e, bal Jileec muxuu noo hayaa, nalagu jaanjaanye? Jiil hoos u daya kuu ku jirin, Carabta Jeeskeedi, Bilaalkii jajabnida habkeed, lagu jalleecaayey, --- Jameecaduna sayiddii lahayd, Jaaha sharaftiisa, jilbahaana goosaayey kii, meel fog uga jeeda, isaguba Jareer buu ahaa, Jaa'ifana diidye, Jinnigii Habaar qaba Jareer, Jiman u buuraaye, --- hadba kii Jamiis lihi muxuu, ugu jizaaraana? --- Jirka jiriricoodee xishood, jagagaclaynaaya, ruux Jaliilka uunkiis xaqira, jeerna laga waaye, af u jeexan ceebaynta oo, been la JILIFOOBAY, --- u ekaaday Tanag Janaxa iyo, Jinni habaabaaya, oo dhaqan jafaalmoo dharkii, Jiijo xiranaaya, hadba kii Jamiis lehe afkaa, JILIFU duulayso, --- muxuu ugu jizaaraa Jareer, waa jikaarnimo e ? --- Hadal Jiiro lala aado oo, meel xun loo jeriyo, Jufadayda Soomaali way, Jaman taqaannaaye, ha i moodin inan ahay Jareer, Jufo u hiillaaya, ee Xaqaan Jidkiisaa marshaa, Dulum jukeeyaaye, hadba kii la jawraan jiraa, Jihada tiisaaye, bal Jileec muxuu noo hayaa, waa Jikaar belo e? Jeenafley anoo dega ayaan, Jiqilla buuraaye, oon kibir la jaafjaafayaa, dawgi uu jirine, hadduu Jaahil caqligii gebee, dulumka joojaynin, asaan duul na jeebbeeya oo, jeedla la arkeynin, is jujuub markay joogto iyo, Jiibta iyo faalka, Jees uusan roonaan midkood, jabe dadkoodiiye, Jareerweyne sow taa darteed, Nabad umuu jeesan, oo ruux Jaliiskiis rabow, Juuq ha oran maaha? Doqonkaa jikaarow waryaa, garo Jareerwenye, Waa walaalo aan jecelnahoo, Jees quraan nahaye, Jaliilow midkii caayayiyo, kuwa jikaaraaya, Jahligaasi ka hanuuni oo, Jiimka fahamsiina, haddiise uu ka jeestee hanuun, diido Jihadiisa, Caqligiisa jiisey Allow, waa ibliis jarane. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.