Ixusuusi noo daaya, 23-11-2021 |
Bashar baan Khalad iyo u naahay, Gefaf idaylkoode, Aadanaan dulmiga deynin iyo, Been abuurrada e, haddii aan arrimo eegay iyo, uunka waxa yaalla, Ixusuusi Soomaali baa, loo adeejiyaye, Aabbeyaasha Maamooyinkiyo, Ubad ku qawlkiisa, Itiraamka baan ugu bogiyo, ereyo miisaaman, Aroortiyo habeen buu salaan, nugu aroorshaaye, --- Agaasime abaabulahayiyo, Ururshe weeyaane, ilaahow ku gacan sii wixii, samiyo aamuula. inuu yahay Barbaariye ayaad, I Xusuusi waa Wiil Allaha, Eebbe nugu deeqay, ikhtilaafku waa waxa Bad &, eerlan noo diraye, inta uu xilkaas noo hayoo, muranka aan deyno. Bashar baan Khalad iyo u nahay, Aadanoo gefa e, Haddii aad geftee tabasho ay, adi ku soo gaarto, Bashar baad u tahay oo annaba, Aafo noo qorane, Soomaalidaan Ehelka nahay, Awliyiyo haddaad Saalix iyo, Awle aad noqoto, Shaydaan ku eedeeya oo, Ebera weyn mayside, Xaqa uun ku joog oo adigu, caawi ehelkaaga. Uun aan badnayn oo isaga, aynabaa jira e, haddaan dhawr amuurood arkoo, Eedo lagu waayey, baan Samo u qiristiis gartee, Shilin imuu siinnin, Abaal aan dhigaayana ma jiro, oon ka sugayaaye, aagguu ku noolyana ma tegin, abidka keygaahe, ugu hiilli maayona Qabiil, iyo Ab shaydaane, Haddaan Dhego-Dhegeeyeen Arlada, eegay ixusuusi, Hawlahaa is daba yaalla ee, YuuEn u horreeyo, Hooyada itaal weysay iyo, ubadka ooyaaya, naga guura Idammaan sutradi, Awnar ku dhawaaqay, Saddaqada Islaam keeno ama, uunka Eeshiyadu, isbitaalka kuwa yaalla ee, isagu kaalmeeyo, Janaazada la oogaayo iyo, mayd la aasahayo, ee uu Alaarmiga watee, isugu keen yeero, intii wadata baabuurta iyo, Xoogga ina siiya, yeynaan u kala harinta uu, nugula eedaamo, cid adduun ku siisaan la arak, ani ogaanteeye, haddii aynan caawaynin oon, orod ku biiraynin, aynu deyno ixusuusi oon, aamus ugu kaalno. wixii aan waxqabad sheegay iyo, inan ka soo gaabshey, Eebbaheenna kasekow asaa, dhidid u hooraaye, oo aragya maankiisa iyo, Araxdu daashaaye, Allaheen hadduu Alle yahoon, nahay islaam buuxa, haddii aynan caawaynin oon, orod ku biiraynin, aynu deyno Ixusuusi oon, aadno danaheenna, minankiinna, gurigiinna. Dulqaad buu ilaah siiyey iyo, iimo qarinteede, erey la miisaamo, oday weyn u maaree sidiis, hawlaha u yaale, Uurkutaallo isagoo qaboo, eedo tirsanaaya, oon lugaha goynayno oon, iin la daba joogno, ayuu sidii inuusanba ogayn, noogu ordayaaye, isagoo kaleetona Nabsaa, laga abuurtaaye, oo Cuqubo Aafiyo lur baa, laga ishaartaaye, aruurshaaye, aynu deyno Ixusuusi oon, aadno danaheenna, u adkaysay aflagaaddo badan, Jaa-ifiyo eede, uuse, Caay uu mudnayn baa in badan, lugu asqeeyaaye, u eedow somaalida darteed, oo ajnabi sheegye, isagoon Alleylkii hoyeyn, aawadeen murugo, u ordaaya maamada ilmaha, aabbe la celaynin, lugu agoonteeyey, ama uuba geeriyooday oo, aakhirow hoyadey, iyo ruuxa aan Luqo ajnabi, erey ka toosaynin, Booliis Isteeshinya intuu, Kilinik aadaayey, aawadeen inuu yahay Dallaal, inanka loo moodye, Allaheen hadduu Alle yahoon, Eheb ka yaabayno, aan u deyno hawshiisa oon, aadno danaheenna. ma uu rabo ammaan ama adduun, aan u badinnaaye, ------ haynaga helo ammaan oo keliya, aabina ka dhawrno, bil-isxaanak iimaha kuwaa, yuu ku anafoobin, ----- aabigiyo dulmigguu Raxmaan, reebay araggiise, Ixusuusi yey cuqubo xumi, inaga soo raacin, oon ka qaadin Nabsi aan galnoo, aafo nugu reeba, intii aan arkaan Soomalaay, kuu awilayaaye, Ixusuusi goortaad daydood, isha la raacayso, ha ka eegin Soomaalinimo, irid ka hoosaysa, oo haddaad adeeg maato iyo, orod ku biiraynin, ha ka helo afkaaga un ammaan, uu ku maro duurka, Af-wax-kara wedkiisii hortiis, belo abuuraaye, haddii aad xishoo weyso ood, iima sii lalido, ood aamus diidoo afkaa, ololka deyn waayo, uuradii jaxiimiyo adaa, Naar ku ololaahe, oo afkaa bilaa abburkaa, Edeb u yeeleehe, iska sugo intaad geeridiyo, Ajal ka gaarayso, oo sugo sakaraatka iyo, iilka berigiisa, adunbaa helaa oo akbaar, uruga koobaahe, Macsuum weeye ani maysan oran, ereyadeydaane, intii aanse ka ogaaday ee, Zamanku ii sheegay, Xul ayuu u yahay reerka aan, isir wadaagnaaye, aynu deyno ixusuusi oon, aadno danaheenna. Tolkeeyow adduunkoo dhan baa, urugi noo taale, Afrikiyo Ustraaliyiyo, Orobbo meesheeda, ameerikiyo kanadaa na yiri, waa Allow sahale, oo ka duwan uumiyaha kaloo, waa Jin ubadkiiye, Kursi aan ka tuurniyo samada, Qashin aguugaaya, Shalmaddaydi naayaa isii, Dabaq ka eedaami, Orka iyo tannaagada guryaha, nalagu eedeeye, Ereteriya Turkigiyo ilaa, aagga Minasooro, inay guri kiraa nugu ismaan, uumiyihi diide, Somaalaay Inkaar Qabaliyaa, nala abraareehe, aan ducada aamiinsanoon, qalanno awrteenna, ilaahey un baa kaamiloo, naaqus uu geline, aadane la arakyaa la yiri, iimo loo imaye, guddigaa u kaalmeeya ee, hawsha la ableeya, Hawl la ololeeya, oy wada agaasimahayaan, arrimo Soomaali, inkaar qabe inuu dhibi ayaan, erey ka taagneyne, garabkooda eebbahey ha galo, hawna toosiyo e, ------- saqdhexiyo allaylkaan tagnaa, Aqal islaameede, aan ka baxo iimaha dadkiyo, Umalka soomaale, Adigay abuurtoon Allow, ahay addoonkaaye, ummaddeenna soomaaliyeed, loo arrimi waaye, ixsaan kii u fala bay Warmiyo, Eebo gelisaaye, Nabigii hadduu soo noqdee, inagu soo aado, inuu naga ammaan helohayaa, erey ka joogaaye, kasmadaad Allow deeqda iyo, Hibo inoo siisay, ku adeegan diidnoo khalqigi, naga awaareeye, ilaahow adaa noo allee, ------------ Tolkeygoo xiskiisiyo afkiyo, Uurka ka midaysan oo Qabyaalo ay dhimatay oo, iilka lugu aasay, Soomaali isu wada fayow, iga ajiib eebbe, Eebbe igu caawi, oon cuqdadu haynin, adigu ii jeedi, ----- oo anigu baryaan badini oo, gurina aamiine, inta garan ilaaheeda iyo, awliyada soonta, oo damiirku uu dhimaninow, badiya(tiriya) aammiinta. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.