Qabiiliistow hoog oo, Haadaamo Jin ka dhac, 16-07-2014 |
Qabiiliiste Hawtul hamaj, haddii aadan hanuunayn, Hoogow na dhibtaye, Haadaan jin ka dhac, meel haawanaysiyo, Bohol hoog iska tuur, Hogog aad aad arkayn iyo, Qar gun dheerna ka haad. Habeen goorta uu dumo, himmammawga mugdigaa, Dhulka hoostaadaa, halkii aad Cag dhigtaba, Harraan waa nasteexee, kaa haabay Abriskii. Roobkaad higsatiyo, Hiiradaad naqraac tahay, Daruur hoos dalooshiyo, Hummaag beena u guur. halkii aad is tiraa, Roob baa ka hooroo, Hillaac baa kuu baxay, Holon iyo kulayl iyo, Hammadday cadaabliyo, Hanfi kaaga soo duul, halkii aad Cag dhigtaba, Halaq aad arkayn iyo, beliyo baas isku hilan, kaa haabte hoostaa. Goortaad harraaddana, Biyahaad haybisaba, Nugliyeer haraagiyo, Sun halaagta ka laac. halkii aad is tiraa, Hilbo aad cunto iyo, Hunguraad dhunjisiyo, Hal kun baad ka helee, Cidlo lagu hoogoo, Harraad iyo gaajiyo, Abaar looga haadiyo, Holon kulul ka guddoon. Ha hilqiyo jirkiisoo, ha ku dhego Hugiisuye, muxuu nagu hor joogoo, Colaad nagu horeeyoo, qaxootiga hayaankiyo, Habqan iyo halyacleyn, Harraad noogu dilay meel. annagoo halaasiyoy, naga wada hibaystaan, muxuu Cadow u hiilshoo, na hoos dhigay asaaggeen, Muxuu Hilbaheediyo, Ubadki hooyadiis iyo, Habaryaro hogeeyoo, Ruuxa ugaga haatiyey, Alla muxuu halaajoo, Hiddihiyo dhaqankii, Herti uu ku qaadoo, Halaan jirin uu ka dhigay Tolki muxuu hagradoo, Hagardaamo ku diloo, Haadaamo u qoday, Muxuu heer qaraabaa, Jacayl uu hareeyoo, Hindisaha wadaagoo, Hoy nabada joogaan, ku hurgufay Rasaas iyo, Madaafiic habaabee, muxuu Hebed miskiin oo, Nabad xalay ku hoyaday, Hubka laba dhacaayiyo, Hoobiye ku soo hagay, Belo kii horseedee, Soomaali halaajow, Hawraarta waaniyo, Hadalkayga diiddoo, Diintii hadeysaye, ku hingoo Oraahdoo, Hadalkaad tiraahdiyo, Hadaaqaaga gebigiis, Higo-higo lagaa saar, Habaar qabe qabiilow, Inkaar qabe u hiilshow, Balaayada huriyee, Buunka hoofirkaa iyo, Haamaha u yeershow, intaad Hed ka gaartiyo, Cumrigaaga kuu haray, Hogo kulul ku noolow, ayaantaad hinraagtee, Sakaraadku ku hayee, haamaansanaysana, ilaahay halaaggiis, Caradiisa hilinkeed, halkii ugu xumayd iyo, Haawiyadi u hoyaad, kuwii kaa horreeyiyo, Heer tolkaagi naareed, Abii jahal Hafuugsane, Calool ku Haan weynihii, Qaaruun Hubuqliyo, Haamaan laguu gee, Haawiyiyo jahannamo, Halkii ay ka joogeen, lagu sii haleeshii, kii kuu haliilee, ku horbooda isaguna, ha halaajo Eebboo, inta uuba Hayrley, adduunyadan ku hoyaa, Hanfi iyo kulayl iyo, Hamaddayga leefaya, ha ku haaro weligiis. Ha yeeshee Habaarqabe, Heddiisii markay tahay, Sakaraadka haaraya, Xanuun lagu hafinayoo, sida loo hafinayoo, Xanuun ugu hiqlayn oo, Hig-higtaasi ugu hayo, goortay ka haaddaba, adigan iyo Haamaan, iyo heer cadaabeed, la is kiin haleeshii. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.