Hal Soomaali baan nahay, 16-05-2023 |
Hal Soomaali baan nahay, waa Maanso yar oo soo baxday 16-05-2023, waxayna leedahay, inteenna Damiirka lehe, Dalkoodiyo Dadnimadiisa iibsayn, diidnay kala qabyin & kala qoqob Qabyaaliyo, Haybsooca Qurunkaa, Dunida kalena dulmin mayno, waayo diinteennaa dulmi oo idil Jinsi uu yahayba noo diidday. waa tan Maansadii: Dunidaan herjedi oo, Horin quraba meel taal, Halkan uga hoyeynoba, Hal Soomaali baan nahay, Ayeeyooyin hore iyo, kuwo haatan joogiyo, Habaryaro macaan &, Hal Hooyaannu leennahay. kan na kala hormeeyow, Qaybba meel ku horayow, waxaad tahay Habaarqabe, Cadow noo Han jebiyoo, Hareeraha adduunyada, Qaxa noo hadoodilay. oo Hoyga keenniyo, naga saara Haracoo, Badda Hirarka weyn &, Saxaro haawanaayiyo, Hawdkaa dugaaggiyo, Waraabaha Hamuunta leh, iyo Haadda duulee, u waraaya Hilibkeen, Alle Haaddi weynuhu, inuu kugu holminin oo, Naartii holcaysiyo, kugu hoojin Jahannamo, ha na kala hormayn ee, Hal quraata noo daay, Dhanka kale Horjoogaha, Heerkaan ka jeediyo, soomalaan u hiillinon, waxan haatan leeyahay: Waxa ina halaajoo, isku hoojinteenniyo, Higta Hoobiyaha iyo, kala hormaynta saacida, waa Habkaa nijaastee, laysku habayo Laaluush, Dulmigiyo hafuuqsiga, Hantidaa dadweynaha, oo sinnaan Habboon &, Cadli looga haajiro, oo Hangool ibliis iyo, Habaarqabe danaystoo, Madaxnimo u haaroo, sida Caano Halo dhalay, Haruub looga soo lisay, Lacag uu u heensani, oo Xil loo hanneeyiyo, midaan loo hannaynine, Hanti uu ku iibsaday, Halkii uu fariistiyo, Ham ka siiya maal iyo, Hanti Shacabku leeyahay, Xil hayaha Horseedkee, lagu habay Xalaashoo, kan Hantida dhacaayiyo, ka sarreeya Hunufkoow, Halkii Maamulkeen iyo, Hawl loo xil saaree, ka huleela sharaftoo, Agoomaha ka hooshoo, Hungurigiisa waxa mari, Hambo aan ka reebayn, oo Hal Shilin ka qaatee, Hantideenna naga xada, Hawshaad ka qabanee, waa inaad Hiriiftood, Haankaasi goysoo, Halka uu ka noolyiyo, la mudaa Hudkiisoo, Cinwaan laga helaa ood, ku hagaajinaysaa, noqdo Huubta Geeriyo, Qabri Ciidda lagu hilo. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.