Habaryarey, 30-07-2004
Maansadan Habaryarey waxay soo baxday 30-07-2004, marka aan eego wanaaggeeda & naxariisteeda siyaadada ah darteed baan u quuri waayey meel aan janno ahayn in ay ku noolaato, balse maadaama uu ilaahey adduunyo ugu talo galay imtixaan, baan goostay in aan u duceeyo habaryartey, maansooyin horoo tan la mida oo jirey awgoodna middan waxan ku soo koobay:-
 
Hargal & hoyaad lama heleen, Hooyo oon jirine,
Habaryarey adaa Hooyo &, Hogosha taydaahe,
Adduunyada Ninkii haysta baa, lugu hoyaadaahe,
Ninna Hodon kumay deyso &, Hilin Barwaaqaade,
sidan bay u wada Hayr lahayd, taniyo Haabiile,

Haddaan Hibasho kuu heli kariyo, Hoodo waligeeda,
halkaad Caawa joogtiyo Hanfiga, Hiil ma huruddeene,
hortaadaan ka soo dhigi lahaa, Meel ay hogataaye,
Allihii abuurkeed lahaa, saa u hoodilaye,

Balse haybsaduu Eebbe yiri, Haybad & Khayre,
Allihii Hareed Dhoobo &, Heen iga abuuray,
waxa aan ku haybsaday  Adoon, kuuna Hoos imiday,
inad Habaryartey Heer Adduun, ugu horraysiido,
oo aad ka haysaa Dhibkiyo, Hororka yaacaaya,

Adigoo hagaajoo ka dhigay, Hoodo nolosheeda,
Hohobtii Janniyo aad hadhow, Haraci ii geyso.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk