Soomaali waa heer tolkey iga hareyn Waana, 15-05-2008 |
Soomaali waa heer tolkey, Hilib wadaagnaahe, muddaan heerinayey Heer tolkey, inay hagaagaane, oon hayaay lahaa iyo u kaca, Horumarkiinnaaye, iyaguna halkaan Horey irey, dib u hayaamaane, bal maxaa Samaw hiifayoo, Xumo u soo haayey ? Allow maxaan hagaajoon Tolkey, Haawi uga baaqay, oo aan Hog shaydaan qodiyo, Heyjad kala bayray, Hilinkaan tusaa iyo halkey, Khayr ka helayaane, iyaguna sidii Hoolifley, Hawdka gelayaane, marna sow mid Duco hoorsadoo, hooya kuma biiro ? Allow maxaan hanuunshoon Tolkey, Heer san ugu yeeray, oo aan mid hoojinahayiyo, Haad ka celinaayey, oon hor gala Ugaaskiinna iri, aad ku hodontaane, iyaguna halaajey intaa, daba haguugaane, oo Hanaqa kii gooya iyo, Huubtey ka helaane, marna sow Halyeygooda weyn, uma hanuunaana ? Wax dhan baan u hiilshoon Tolkey, Hooto kala booday, oon ku iri Habaar baa jiriyo, Hooyo caradeede, an hoyanno Daruur Roob ayaa, hoori dabadeede, Nabad iyo Hir dooglena markaa, ka hirqanaynaaye, hayeesheese Hawraarsan iyo, taan haye filaayey, Sheeko Filim Habeen hore ahaa, hooriskeed gale e, marna sow mid Hooyadi raboo, haga kumuu biiro ? Taladii Habsami loo wadaa, lugu Harraad goyne, Somaalida Huruuf qabaliyaa, geliyey haadaane, Hunuf iyo waxay doorataa, hayb ku xulitaane, Halka laga hagaayee Bulshada, laga hoggaamaayo, ee Halaagga laga weeciyee, laga Hummaag saaro, Habaar Waalid midaan qabin maxay, Hawsha ugu diidday? --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.