Furuntii u dhigo maalintaan Faamil jiri doonin, 20-2-2018 |
Khasaaraa ka faalleeyey iyo, Weriye fuurbaahe, Furuntii u dhigo maalintaan, Faamil jiri doonin, ood jeeb falaayeynin oo, jirinba foomkiisu, waxa aad filqee qashinqubkiyo, filiqa raacayso, faraqa---------------------- ummad dhamey faraxooda tahay, duco faruuraaye, ----- ----------------, ceelasha u foofay, dabaqyadaad dhisan ---------------- ruux caloosha fuurshee dherjee, fuqana taagaaya, oo fakini surweelkee haddana, Suun u furanaaya, oo ku furay fuluus aad ku cuni, dhaylihiyo fuudka, goortaad findhicilayso eed, fagina gawskaaga, amaad kookada ----------- saqiirraa ku soo fiirin oon, heli kareyn fiiqna, fiiqsan kari waayey, ----------- in fattaax ku fiirsaayo garo, Farankan kuu dhiibey, kan kireystay filladiisii ee, fooraha u guuray, ee bacoosha fooryeysa iyo, fiinta weheshaaya, ka is dul fuulin dabaqyada u dheer, faanta xamarweyne, filladiyo markaad dabaqyadaas, farax marriimayso, farraqdaye Hantidan sow ma ogid, inad ka faadayso, oo subax lagaa foofin ood, faraha taagayso, oo bohol laguu faagayoo, Fuusto lagu saari, oo xisaabti faylkaaga aad, Feded ka qaadayso, bal is taabo fugfugtaa wadnaha, haatan fukanaaya, dhakhtar fiirshey goortuu dhahaa, socoyey faayweyne, wuxuu dhaylo feentiyo wuxuu, Faaya daba rooro, feerahaad ku guri Dhaylihiyo, Fuudka arigeenna, Aboor baa ka fuuraaya oo, Feenan dhaylaha e, saacaan ka sii fiirso oo, Faatax ka cabsoona, haddii kale sidii Feeso iyo, Furuq Allow keenki, fuluustaad ku dhiibayso Jiim, Dhididka fiixaaya, foogtiyo u sii dhigo markuu, dhidid faruurmaayo, maalintaan lays fiiraynin ee, dhidid faruurmaayo, haddeertaan ka sii fiirsadoo, Faatax ka cabsooda, Feesow haddaad xulusta badan, jiim ku fidinayso, bal soo fiiri masaakiinta aan, Fiiqna oranaynin, oo ay Gaajo feenayso eed, Feerta tirinayso, bal soo fiiri ------------- fimidoolna loo waayey iyo, fayras dawadiisa, kaabsol fitamiina, fimidool ha joogiyo kiniin, kaabsol fitamiine, loo waayey jeenan ---, Fiimto bal soo fiiri isbitaal waxaa, firirsan oo yaalla, dhaawac fololaaya, kansar amaba feexdiyo hulaha, kan fuluusti ka go'dee la yiri, Feexdan mililaysa, ha la geeyo Farankafoor jermani, ama hadduu fuuri, --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.