Faraciis ha go'o kii kufsada, Fiican gabareede, 11-09-2020 |
Faraciis ha go'o kii kufsada, Fiican gabareede, Xamdi Maxamad Faaraxey kufsigu, waa Fal cadaweede, Fiicanayna keli kuma ahayn, ficilka noocaane, duulkaan ferdane faasiq iyo, Faaxish ehelkooda, Foodley carruuraba hortaa, fayl ka soo gale e, annaguna caraan fuurnay oo, Dhiigna nagu faaxye, ha ku geeyo Faxanuhu Jannadi, guri Firdawskiisi. Allow Faraxne raxmaddaadi gey, guri Firdawsaada, Fal kufsiya waxaa fala Fajiyo, Feded Allow keene, waa Dameer caqligu fooraroo, faaxishnimo koobay, oo fataal damiirkii noqdoo, fawdo loo dhalaye, Mid kastoo falkaas uu ka dhacay, Eyga ficilkiisa, Fadeexaale waa Faasiq iyo, Faajir qurun weyne, Kansar iyo karooniyo Fajiyo, Faalidna xasuuqye, Furjiguu la haadaayo ee, fuxushka keenaaya, waa in Jiridda laga soo fujaa, lagana foocshaaye, Naxariistu Foom ay tahana, laga fogeeyaaye, Faylahaa haddii laga jaree, Fiilo lagu ceejo, Farahana musmaar lugu kawshee, foolasha la siibo, Falar-falarna loo gooyo ee, lugu falaadaayo, Hilbo feeto-feetana noqdoo, finiqyo loo qaybsho, oo geed Fullaay iyo Cadaad, lugu firaashaayo, Faran qura falkii uu dhigaa, Faaxishnimo dheere, Ficil xumi intii uu dhibee, khayrka filaneehi, haw fadhina fujaariin tegoo, furuqa weeyaane, haddii aad xumaha fiirsateed, Ficil ka geysaynin, ogow uun firaashkaaga buu, foogta soo geliye, Midka farahayiyo kaa fulshee, Wacal fuluuseeda, Fitnadaba waxaa fayday oo, faaxishkaba keenay, odayaalo faalshoowa oo, miyirku fuuntoobay, oo Qabiil u footeeya oo, dulumka faafaaya, iyo madaxda fawdada dhigtee, Firimbi yeersayda, oo kufsiga kii fala Damiin, Faro u taagtaaga, kan sameeya ficilkiyo midkii, Jeel ka furanaaya, ilaahow fulkaaniyo ku laay, foolxumo halaagta, Fuustooyin nugliyeera iyo, Firir ku shaandheyna, oo Silic falkii ugu xumaa, ruuxu uga foofo. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.