Dumarow Xilkiinnii, dayacdee ka soo dega, Doodda baarlamaankiyo, Filladaa dusheennaa - 20-08-2020
Wax daboolanaa oo, Dayrihii na dhaafiyo, Debin aan la taabanaan, Dedka aan ka qaadiye,

Dumarow haddii aad, Guri Daahyo weyn iyo, Ubad daadahayn iyo, Hooyo darajadeedii, amarradi is daba joog, ee Ragow dadaal oo, Biilka soo dabbaal oo, yuu dayacmin ubadkani, daaydaasi oran jirey, dariiqeedi diiddeen,

ood Xil Dawladeed iyo, wuxuu rag dildilin jirey, dushaa aad u ridateen,

Sow inaad dadaashaan, oo dadkaad wakiilkiyo, danahooda meteshaan, dooddiinna laga helo, dawgiinnu ma ahayn?

Haddaydnaan difaacayn, Dibindaabyayeyntiyo, Darxumada la taal iyo, dayacaadda xaawaley, marna aad ka diirayn, Xil maxaad ka doonteen?

Carruurtaa dibbootee, Shaaricaasi daadsane, koollada durduuree, haddaydnaan ka diirayn, ood Hooyo deeqana, dalqadaha sidii Roob, ugu daadanaa uu, jir idiin dubaaxayn, Xil maxaad u doonteen?

Haddaydnaan dareemayn, Dabaylaha dhacaayiyo, Bacadkaasi dumarkii, indhihii ku duugmeen,

Qaadkaan daroogee, Ragga doorinaa oo, Dareenkiyo mas'uulkiyo, Xiskoodii daboolaya,

Dumarkey cidleeyeen, haddaydnaan difaacayn, Xilkaad deegta saarteen, ma Jin baad u dooddaan?

Hooyo Deeqa dheer &, Dalays iyo Dallaayiyo, Dheeha Bilan Daahiruu, Qaadkani dilaa oo, Dibindaabyadood baa, Dayuuriyo Dafya miriq, loogu daabbulaa oo, Guryihii ku dayac oo, Ubadkii la daa oo, la dabaalo keli buu, Duqeedii yiraahdee, Xildhibaanka dumar ee, Xilka deegta saartow, Ma Jin baad u dooddaan?

Khadiija Maxamad Diirshaay, Duniyo Maxamad Caliyey, Samiira Digeed &, Naciima Daguuraay, Dalays & Xaawaay, Jawaahira Digil &, Maryan Dirisamaadaay, Ditooreesa Maryantii, Air Salaama debin hore, Dallacaadda sharaftiyo, lugu siiyey Darajaay, Dumarkeenna madaxdaa, ma dureerin karayee, Xildhibaanna Dumarow, 

Haddaydnaan u diirnixin, Ubadkaa la dayrshiyo, Dumarkaasi dayacmeen, Daqiiqado gudahood, Mooshin laga doodiyo, ka diyaarin Dacwad dheer, oydnaan ha la diido, Daroogadan Qaad oran,

ogaadoo Dadkiinniyo, Shicibkii is dayseen, annaguna docdeennaa, Qaad diidayaashiyo, inteennaa ka diiree, Qaanuunka dunidiyo, Dawladaha u waaweyn, Dacwad baan u dhiibnee, Berri doodi yey iman. 
---------------------


Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk