Dulqaadkii-dhammaa_3-12-2021 |
Midka dibedda joogee intuu, Dulucu weynaaday, Durriyiyo haddii uu lahaa, cidu danaynaayo, uu Degel Ammaan iyo u dhigay, Dal an Colaad oollin, Dacaamkiisi meel saartay ee, Jiifka u dangiiga, oo Xulusu deyrtoo Baruur, keliya daacsaaya, oo Dalxiis ku bixinaa Malyuun, Doolar iyo Yuuro, Dubey iyo Dammaam iyo Galbeed, Dabaqyadoodaasi, Hoteelkooda qaaliga degoo, Lacagta daadaadsha, ciyaartiyo markuu Dhaansigii, dabada leexleexshey, Dalkeennii u soo duulay inu, dubo agoontiisa, Dad hadduu ku moodayo inaad, sare dawaafayso, ood Nolol ku daanshooto ood, raaxo dalamsaydo, ood ula ekoontahay dushaa, Darajo ruux haysta, anigaa Duntaadiyo aqaan, waxad dareemeeye, Alle wuu dulleeyaa wixii, Maalka daayaca e, Nabsi buu ku daandaaniyaa, daba wareegshaaye, sidaas bay daraaddeed Dibnaha, Dacal ku roortaaye, Daakhilkaa ku guban oo belaa, kugu dikaameeye, istarees ku dili oo xubnaha, gebi dubaaxaaya, Faqiirnimo inaad dawarsataa, Dunida kuu roone, aan u dego halkaan doonayiyo, Diilintaan rabaye, Dabka kuwa shidaayee Dulmiga, diradiraaleeya, oo Dalkeenna kuwa jooga ee, Gaajo dubanayso, oo Qabyaalo dilatoo Caqligi, Dooni laga saaray, ku yiraa Dagaal qaada oo, dila xigaalkiinna, + oo Carshaanta dumiyoo guryaha, guba degaankiinna, oo Qarax daraamaaya iyo, Firir ha duulduulo, oo Qaxu ha daaduumo oo, Hawd ha dulugleeyo, Mid kastoo Dabkaa shidahayow, diidday Waanadiye, bal inaad ka dabacduu hakado, Dhiigga daadanaya, Duruus badan muddaan kuu dhigoon, Maanso daabacaye, kugu seegay Danahaygi iyo, Dawriyaad kale e, Dulqaadkii dhammaan oo markaan, Doodda waan xiriye, hadduu Dawgu kaa soo xirmoo, Daalim madax taago, Eebbe loo dan sheegtaa jiroo, Dawga kuu furiye, Sacabbadan u doogani ilaah, Daa'imkayga ahe, Dulliyohow dulliga kale jirine, dhaqanka doofaar leh, Hanuunkii haddaad diidday ood, Diinta ka carrawday, adigoo ku daandaanay oo, Duni ku miidmiiday, oo Silic la diirdiirmay oo, Milil ku daadaayo, + Maqaarkiyo is daayeen xubnuhu, kala dalaabeenna, Dareen iyo intay kuu kulmaan, Duumo iyo Aydhis, Kansar Nolosha duubiyo u dhimo, Cudurka Daacuunka. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.